Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xoog leh oo caawa ka dhacay wadada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday Gaari walxaha miineysan oo qarxyp lagu soo xiray, kaas oo ku qarxay goob Goomiiste ah oo ku taalla Dalcada wadada Daljirka Daahsoon agagaarka Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.
Laba qof ayaa la xaqijiyay inuu ku geeriyoodeen, iyadoo 3 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ciidamada ammaanka, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka gaadiidka gurmadka. Waxaa kaloo halkaasi la geeyay baabuurta Dab-damiska oo damiyay dabkii ka dhashay Qaraxa.
Lama oga ujeedka qaraxa iyo gaariga qarxay cidda lahayd, waxaana hay;adaha ammaanka ay wadaan baaritaano qaraxa la xiriira.