Qarax xoogan ayaa caawa fiidkii ka dhacay agagaarka hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadadda dhinaca danbe ka marta hotelka ku socday ayaa saameyn ku yeeshay Hotelka Maka Almukarama oo ah goob ay siyaasiyiin iyo dad kala duwan oo waxgarad iyo mas’uuliyiin isugu jira caadiyaan isugu tagaan.
[ad name=”HTML-4″]
Waxyeelada qaraxa ayaa soo baxeysa iyadoo goobjoogeyaal ay u sheegeen Goobjooge.com inuu qasaaraha aad u yar yahay. Qaar kamida dariishadaha iyo agagaarka qaraxu ka dhacay ayay ka daateen miraayadaha, ilaa haddana ma jiro khasaare nafeed oo la soo weriyay. Afhayeenka hay’adaha nabadgelyada ayaa sheegay in saddex askari ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo ay la socdaan.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda, laguna dhawaaqay in ciidamo hor leh la geynayo wadooyinka magaalada.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in gaariga loola dan lahaa in lagu qarxiyo Hotelka Maka Almukarama lakiin ay ciidamada ilaalada hotelka rasaas ku jawaab markii bam lagu soo tuuray, kadibna ninkii watay oo ka degay oo uu qarxiyay Gaarigii miineysaa, iyadoo ay rasaas ku fureen ciidamada, isagiina uu bam gacmeed isaga reebay, laakiin markii danbe la qabtay.
Tani waxay keentay in qasaaruhu aad u yaraado oo cidna aanay ka soo gaarin dhimasho iyo dhaawac marka laga reebo bubur miraayado iyo ganacsiyadii goobta ka dhowaa iyo dhaawacyo aad u fudud oo gaaray saddex askari.
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]