Qarax Miino ayaa ka dhacay degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Qaraxa ayaa qabsaday Gaari nooca NISSAN SURF ah, waxayna wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen laba askari oo tirsan qeybta canshuuraha gobolka Banaadir, iyadoo midkood uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada G/Banaadir.
Sarkaalka gaariga watay oo magaciisa lagu sheegay Salaad iyo ilaaladiisa iyo mid ka mida ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaasi kasoo qaaday dhaawacyada.
Wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa si joogto ah waxaa uga dhaca qaraxyo miino oo qasaare kasoo gaara, dadweynaha, saraakiisha ciidamada iyo ciidamada dowladda.