Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Qarax ayaa la dhigay meel u dhow Saldhigga degmada Beledweyne, waxaana uu ahaa Qarax Miino oo lagu soo qariyay Jawaan, sida ay sheegeen dadka degaanka, iyadoo lala damacsanaa Gaari ay la socdeen ciidamada Booliska.
Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska iyo Hotel Medina, ayaa la sheegay inuusan geysan wax qasaare ah, waxaana howlgal ka bilaabay magaalada Beledweyne ciidamada amniga.