Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay Miino oo kuwa la aaso ah ayaa ka dhaacay Maqaayad Shaah lagu cabo oo ku taall bartamaha magaalada Jowhar, waxaana ku dhintay qof, ayna ku dhaawacmeen dad ku dhow 10 kale, oo la sheegay inuu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.
Dadka wax ku noqday qaraxan ayaa u badan shacab, waxaana goobta uu ka dhacay ay ahayd maqaayad dadweynaha isugu yimaadaan, iyadoo uu ahaa qarax noociisa ah kii ugu horeeyay ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Jowhar.
Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo dadka ku waxyeeloobay qaraxa la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar, waxaana ciidamada Amniga ay howlgal ka wadaan goobta uu qaraxu ka dhacay.