Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa ayaa saaka ka dhacay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada ay ku jirto xaalad amni oo ciidamo baan laga dhigay wadooyinka iyo gudaha magaalada Caasimadda.
Taliska Booliska ayaa sheegay inuu qaraxa ka dhashay Bajaaj ay wateen xubmno Al-shabaab ah oo qaraxday xili ciidamada amaanka ku daba jiren, sida lagu yiri qoraalka Booliska.
“Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud” ayaa lagu yiri waraka Booliska.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhagartoodii Alshabaab la damacsanayeen Ummadda ay iyagii ku laabatay, waxaana qaraxa ku dhintay 3 dhagarqabe.
Sidoo kale Qof shacab ah oo waddada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr iyo Isbitaalka Yardimeli.
