Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qaxaran ayaa ka dhacay xarun ay shirkadda Isgaarsiinta Somtel ku leedahay Isgoyska Black Sea, iyadoo qaraxaasi uu geystay qasaare kala duwan, waxaana ku laba qof, iyadoo dhowr kale ay ku dhaawacmeen, mid ka mida labada qof ee ku dhintay qaraxa ayaa ka mid aha shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta ee SOMTEL.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino la dhigay halkaasi oo u dhow Goob ay ciidamada ku baaraan Gaadiidka aada wadadda dhinaca Cirtoogte ee suuqa bakaaraha, waxayna ku dhowdahay dhismaha SOMTEL ee Black Sea.
Ilaa saddex qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay inay goobta ka qaadeen ciidamada amniga oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay.