Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa Qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen Maleeshiyadii Alshabaab ee doonayey inay aasaan.
Qarax Miinada ayaa lagu aasayey Jidka Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan agagaarka Isgoyska SOS, waxaana goobta ku geeriyooday 4 qof oo la sheegay inay Miinada wadeen oo ku howlanaa inay wadadda geliyaan.
Meydadka Raggaasi oo go’go’ay ayaa loogu tegay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana arkay dadka degaanka oo ku wargeliyey ciidamada Amniga oo muddo kadib halkaasi tegay waxaana laga helay miino kale oo aan qarxin, iyadoo ay ciidamada qarxiyeen saaka.
Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad ayaa waxaa adeegsada ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, waxaana halkaasi ka dhaca qaraxyo lala beegsado ciidamadaasi oo iyaguna rasaas ku fura dadka ku sugan goobtaasi.
