Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xoog leh oo goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ka dhacay barta Koontaroolka ee laga ilaaliyo Garoonka magaalada Muqdisho ee agagaarka isgoyska KM4.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay goobta lagu baaro gaadiidka u socda garoonka magaalada Muqdisho, wuxuuna geystay qaraxa burbur xoog leh, iyadoo kaalin shidaal oo halkaasi ku taalla la sheegay inuu dab qabsaday.
Dad badan ayaa ku sugnaa goobtaasi oo ah bar koontarool oo ciidamada ay ku baaraan gawaarida ku socota Garoonka Muqdisho iyo Hotelka Jazeera, waxaa kaloo wadadaadi adeegsada dadka ka dhoofaya Garoonka Muqdisho.
Gurmad xoog leh ayaa bilowday, iyadoo lasoo sheegaya inuu qasaare xoog leh ka dhashay qaraxa, waxaana goobta ka dhow labada Hotel ee Afrik iyo Hayat oo dad badan degan yihiin .
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhinteen qaraxa iyadoo in ku dhow 20 kale oo dhaawac ah laga qaaday goobta qaraxa ka dhacay.

