Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal kooxda Alshabaab maanta kula wareegtay degaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya.
Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Sh/hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa Xaqiijiyay in Al-shabaab ay si buuxda u qabsadeen kuna sugan yihiin degaanka. Alshaab ayaa dhinaceeda in dagaalkaasi ay ku qabsadeen Yaaqbari-weyne ay qasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda federaalka.
Alshabab waxay sheegtay in 15 askari ay ku dileen laba saldhig oo halkaasi ku yiilay, isla markaana ay qabsadeen 5 baabur oo midkood uu ahaa gaari Cabdi Bile oo qori Dhashiike ah saaran yahay.
Ciidamada AMISOM oo goobta ka dhowaan ayaan dagaalka ka qeyb qaadan waxayna wararku sheegayaan in ciidamadii ka firxadday Yaaqbari weyne ay gaareen saldhiga weyn ee Bali Doogle.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]