Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maqribtii caawa ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay Qof is-miidaamiye ah oo isku qarxiyey Dad ku sugnaa Maqaayad ku taalla Xaafadda Saddexda Geed degmada Shangaani oo u dhow saldhigga degmada iyo xarunta wasaaradda Isboortiga, waxaana halkaasi ka dhacay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya inay qarax ku dhinteen ilaa 6 qof, ayna ku dhaawacmeen 11 kale, waxaana socda gurmadka loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay inay qarax ku dhinteen 6 qof oo uu ku jiro qofkii is qarxiyey. Dadka dhintay ayaa kala ah: 4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo is-miidaamiyihii.