Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dil saaka aroortii 4:00 Subaxnimo loo geystay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, kaasoo lagu khaarijiyey bar ay ciidamada fadhiyeen oo ku taalla isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiwahaab Aadan, waxaana la sheegay inuu ahaa madaxa baarista ee saldhigga degmada Waaberi oo u dhow goobta lagu dilay ee isgoyska Dabka, waxaana dilkiisa geystay sida ay wararku sheegayaan askar ku sugneyd Isgoyska.
Sarkaalka ayaa watay gaari markii dilka khaarijinta ah lagula kacay, waxaana goobta ka baxsaday askartii dilka geysatay, iyadoo wararku sheegayaan inuu dilkiisa yimid kadib markii uu xiray saddex askari oo ku eedeysnaa arrimo hub.
Falkan ayaa imaanaya iyadoo shalay sarkaal ka tirsan Booliska la sheegay inuu isku daldalay degmada Xamarjajab, kaasoo markii dambe kiiskiisu uu shaki dhaliyey.