Koox hubeysan ayaa toogasho maanta ku dishay Wiil dhalinyarro ah, ka m id ahaa sawir-qaadayaasha magaalada Muqdisho ugu caansan.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana Wiilka la toogtay lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Awlaad-Yare ayaa ahaa xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqada, isgoo ku shaqeysan jiray Muuqaal duube ama Cameraman.
Daableyda falka geyatay ayaa tegay Xarun Studio oo uu lahaa, iyagoo isla goobta ku rasaaseeyay, taasoo dhalisay inuu geeriyoodo; waxaana goobta ka baxsaday raggii falkaasi geystay.
Wararka ayaa sheegaya inuu sawir-qaade u ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeeed Gen. Mahad C/raxmaan. Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, mana jirin dad loo qabtay; iyadoo aan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sababta loo dilay.
Taliyahii hore ee ciidamada Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tacsi diray marxuum Awlad Yare, isagoo xaqiijiyey inuu ahaa sawir qaade ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, horayna ula soo shaqeeyay isaga.
“Wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo hammi weyn ka lahaa bad-baadinta dalkiisa. Maleeshiyadda arxanka daran ee Shabaab ayaa ku dilay degmada Howlwadaag waxaan u tacsiyeenayaa Qoyskiisa Saaxibadiisa, iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayuu yiri Jen. Bahiir Goobe.
