Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa gaari lagu soo xiray miino uu ku qarxay magaalada.
Qaraxa qabsaday Gaari marayay Isgoyska Banaadir, ma jiro qasaare ka dhashay qaraxa marka laga reebo saddex qof oo dhaawacyo fudud kasoo gaareen, kuwaasoo ku sugnaa agagaarka goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo aanu qasaare weyn geysan qarax oo la sheegay inuu ahaa kuwa lagu xiro baabuurta.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana la xiray Wadadda iyadoo baaritaan ay ciidamada ka wadaan goobta Gaarigu ku qarxay. Waxaa la qabtay qofkii gaariga lahaa oo magaciisa lagu sheegay Ceydiid, kaasoo la rabay in lagu khaarijiyo qaraxa loogu xiray gaariga oo markii uu qarxay ku jiray goob laga dukaameyso oo halkaasi ku taalla.