Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar is-miidaan ah oo caawa lagu qaaday bar koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/le Bishaar Abshir Geedi ayaa oo shir Jaraa’id ku qabtay goobta uu qaraxu ka dhacay ee Taallada Sayidka ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarka isagoo sheegay in laba askari oo ak tirsan ciidamada xoogga ay ku dhinteen.
Qasaaraha dadka ku dhintay qaraxa ayaa gaaraya saddex qof, iyadoo dhaawacana ka badan yahay 10 kale.