Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay inka badan 10 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ka ilaaliyaan xarunta madaxtooyada oo ku taalla xarunta Tiyaatartaka Qaranka una dhow Guriga Hooyooyinka.
Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku geeriyoodeen 5 Qof, waxaase laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sii kororto. Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada Muqdisho.
Burbur xoogleh ayaa gaaray dhismooyinka ka agdhowaa qaraxa siiba guriya hooyooyinka ooay degan tahay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu ahaa mid xoog leh.
Weerarka oo loo maleynayo inuu is miidaamin ahaa ayaa ku soo beegmaya saacado kooban kadib markii maanta lagu dhawaaqay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
SAWIRRO
Wadani.com