Waxaa saaka qarax xoogan ka dhacay afaafka hore ee xarunta Hay’addaha Qaramada Midoobay (UN-ka) ee magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana qaraxan lala beegsaday bas yar oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha UN-ka ee magaalada Garowe.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in gaariga loogu xiray waxyaabaha qarxa kadibna uu qarxay isagoo marayay xarunta UN-ka ee Garowe horteeda, halkaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 7 ruux. Waxaa la xaqiijiyay ilaa hadda in 5 kamida shaqaalaha UN-ka lagu dilay qaraxaasi oo midkood uu yahay caddaan, halka afarta kale lagu sheegay Afrikaan.
Xaaladda goobtu qaraxu ka dhacay ayaa noqotay meel cakiran waxaana la arkayay hilbaha dadkii qaraxu waxyeelay oo daadsan gaariga agagaarkiisa. Saraakiisha ciidamada Puntland iyo askar badan ayaa goobta go’doomiyay. Booliska Garowe ayaa sheegay in dhimashada ay gaarayaan 7 ruux oo shaqaalaha UN-ka ka tirsan. 4 ka mida waxay ka tirsanaayeen UNICEF, waxaana dhaawac darran ah ilaa 4 kale.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa qof isku dhex qarxiyay baabuurka, kadib markii la helay jir aad u go’ go’ay oo la aqoonsan waayay, waxaana markii hore loo heystay inuu qaraxu ahaa miino lagu xiray gaariga.
Puntland ayaa dhowaanahan aysan ka dhicin qaraxyo noocan oo kale ah, waxaana jiray weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamada magaalada Boosaaso iyo buuraleyda Galgala, laakiin qaraxa maanta ayaa noqonaya fashil weyn oo amni, maadaama Garowe ay tahay magaalo yar oo si fudud loo ilaalin karo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]