Allaha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabta lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa dilkiisa waxaa geystay koox hubeysan oo gaari yar wadatay.
Xildhibaanka oo ahaa ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka Federaalka ayaa muddo dheer soo ahaa xildhibaan, wuxuuna soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo hore magaalada Muqdisho loogu dilay wiil uu dhalay oo lagu magacaabi jiray Khadar, sanadkii 2005.
Kooxda dilkiisa geystay ayaa la sheegay inay rasaas xoog leh ku fureen, kadibna ay ka baxsadeen goobta, wuxuuna xildhibaanka uga duwanaa xildhibaannada kale isagoo deganaa degmada Kaaraan ee dhinac Waqooyi ee magaalada, isla markaana si xor ah magaalada isaga dhex gooshi jiray, isagoo aan wax cabsi ah qabin.
Cismaan Cilmi Boqorre ayaa darajada Gaashaanle sare ka gaaray, wuxuuna khudbadii ugu danbeysay ee uu ka jeediyey Baarlamaanka September 2018 uu ka sheegay inuu mushaar u waayey ciidamada ilaalada u ah oo midkood uu sheegay inuu gacan ka hadal kula kacay.
HOOS KA DAAWO KHUDBAD QIIRO LEH

