Faahfahain dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax xoog leh oo lala beegsaday Gaadiid ay la socdeen ciidamada Nabadsugidda maamulka Galmudug.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyey lala beegsaday Gaadiidka uu la socday taliyaha nabadsugidda magaalada Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdirashiid Cabdinuur Qooje iyo 11 askari oo la socotay.
Qaraxa ayaa ka dhacayy duleedka Dhuusamareeb inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud xilli ay ku jireen hawlgallo Amni oo looga hortageyay Alshabaab, waana qasaarihii ugu badnaa ee qarax kaliya uu dhaliyo.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska maleeshiyada. Arrintan ayaa ku soo beegatay iyadoo caawa la fiayey in loo dabaaldego sanadguurada koowaad ee markii uu xilka qabtay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
