Faahfaahin dheeraad aha ayaa kasoo baxeysa weerar madaafiic ah oo saaka aroortii lagu qaaday saldhiga milateriga Turkiga ee Muqdisho.
Saaka aroortii salaadii subax ayaa mar kaliya laga maqlay qaraxyo madaafiic ku dhacaya degaanka ay ku taallo xerada SomTurk, waxayna dadka degaankaasi sheegeen inay ilaa 7 madfac ay ku soo dhaceen hareeraha saldhiga.
Wararka ayaa sheegaya in Hoobiyeyaasha laga soo tuuray Xaafadda Sinwaay ee degaanka Jaseera, iyadoo Gaari lagu waday Hoobiyaha weerarka lagu geystay, kadibna ay goobtaasi ka baxsadeen.
Dadka degaanka Jaseera ayaa sheegay in madaafiic jawaab u ah Hoobiyeyaashii Alshabaab ku weerarreen saldhiga lagu riday degaankaasi oo ay maqlayeen qaraxyada iyo jugta madaafiicda, balse aysan ogeyn halka laga soo ridayey.
Alshabaab ayaa sheegatay in 13 madfac ay ku weerarreen saldhigga Turkiga ee Muqdisho, mana jiro ilaa iminka faahfaahin laga bixiyey qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.