Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee Galbeedka magaalada.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-joof ayaa sheegaya in gaariga qaraxa waday oo ahaa nooca Waaraadka oo Bal lagu soo raray uu ku qarxay isbaarada ugu horeysa ee xerada, iyadoo laga war hayay sida uu yiri.
Meydka ninka is-miidaamiyay oo go’go’ay ayaa yaala goobta qaraxu ka dhacay oo uu ku gubtay gaarigii la soo miidaamiyay. Wuxuu intaas ku daray in qasaaruhu aad u yaraa xeraduna ay ka baxsan tahay magaalada, laba askari ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen, wax burbur ah oo gaaray xeradana aanu jirin.
Afhayeenka ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in laba askari ay ka dhinteen ciidankoodam 5 kalena ay ka dhaawacmeen. Wuxuu intaa ku daray inay iska caabiyeen weerarka.
Wararka kale ee laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qof dumar ah ay ku dhimatay, iyadoo 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Jabuuti, isagoo uga tacsiyeeyay dhimashada askarta Jabuuti, wuxuuna cambaareeyay weerarka.
Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegatay inay 17 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dileen qaraxa.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay dhaawacyo dad shacab ah oo qaraxa ku wax yeeloobay.
Wadani.com