Kooxda Alshabaab ayaa maanta weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdule Ganey, isagoo la sheegay inuu ka maqnaa Guriga. kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheeegay inay baxsadeen markii ay weerarkaasi fuliyeen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkaasi, Guddoomiyaha Jalalaqsi ayaa sheegay in aanu jirin wararka Alshababa ka faafiyeen ee ah inay gurigiisa weerareen balse wuxuu sheegay in beer u dhow hoygiisa ay rasaas ka rideen kadibna la iska caabiyay, wuxuuna intaas ku daray in askari ka mida ilaaladiisa uu dhaawac ka soo gaaray.
Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee dhowaan ciidamada Jabuuti ay la wareegeen ammaankeeda ayaa sheegaya in qof ku dhintay weerarka Alshabaab, waxayna koaxdani sheegatay inay askar badan ku dileen weerarka ay ku qaadeen guriga Guddoomiyaha Jalalaqsi.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]