Faahfaahin dheerad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo Alshabaab saaka aroortii ku qaaday Degaanka Qaayib ee hoostaga Baxdo, Galgaduud, kaaso dhowaan laga qabsaday Alshabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyada degaanka ay Al-Shabaab jab ugu geysteen dagaalka ka dhacay magaalada Qaayib .
Weerarka Alshabaab ayaa ku bilowday qaraxyo is-miidamin oo ay la beegsatay saldhig milteri oo ciidamada degaanka ku leeyihiin degaanka Qaayib. Jeneraal Cabdullaahi Caanood ayaa sheegay inay khasaaro gaarsiyeen Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday degaanka Qaayib.
Taliyaha qeybta 21-aad Col. Xasan Sheekh Maxamuud Jaamici oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Alshabaab inay gacanta ku hayaan magaalada Qaayib, kana difaaceen Khawaarijta Alshabaab oo dagaal aad u culus soo qaaday.
Qasaaraha gaaray Alshabaab ayaa wararku sheegayaan in meydad gaaraya 15 lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Galmudug.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay laba gaari oo qaraxyo sida ku weerareen magaalada Qaayib oo midkood lala beegsaday Xarunta isgaarsiinta Hormuud oo ay hore u burburiyeen, balse dib loo howl geliyay, waxaana dhacay dagaal culus oo qasaare badan dhaliyay.
Taliyihii hore ee Booliska degmada Cadaado Gaashaanle Cali Dheere iyo saddex qof oo kale ayaa la sheegay inay lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa guul ka sheegtay weerarka Qaayib iyo inay ku dishay askar fara badan lana wareegtay degaankaasi. Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijineysa qasaaraha dagaalka ugu danbeeyay ee Gobolka Galgaduud.
