Nin hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay laba haween ah, kadib markii uu rasaas ku iyagoo fadhiyay gurigooda hortiisa Xaafada Garsoor ee magaaladaasi.
Labada haween ayaa la sheegay inay ahaayeen Hooyo iyo gabar ay dhashay, waxaana magacayadooda lagu soo koobay Safiyo iyo Nadiifo, iyadoo ay baxsadeen dadkii ka danbeeyay weerarkaasi.
Falkan oo ay aad uga naxeen dadka magaalada aya sheegeen inaysan ogeyn sababta dhalisay dilka naxdinta leh. Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa wada baaritaan lagu raadinayo raggii ka danbeeyay falkan.
Fal kale oo magaalada Gaalkacyo laga soo weriyey ayaa ahaa weerar Bam oo lagu qaaday Saldhiga ciidamada dowlada ee magaalada Gaalkacyo.