Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo qof is-miidaamiye ah waday ayaa lala beegsaday Xarunta Degmada Warta Nabadda, iyadoo qaraxaasi uu dhaliyey qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka aaya sheegaya in xilliga uu qaraxa ka dhacay xarunta degmada halkaasi ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo loo qeybinayey raashin, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare badan uu ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoog leh oo ruxay degaanada u dhow xarunta degmada.
Ciidamada amniga ayaa xiray xarunta degmada Wardhiigley ee Qarax lagu weerarray, waxaana socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay weerarka, iyadoo gaadiidka gurmadka ay daabulayaan dhaawacyo.
Lama oga qaraxan gaariga ah ee lagu weeraray xarunta Degmada Warta Nabadda halka la soo marsiiyay, iyadoo Isgoysyada iyo wadooynka Magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, laguna baaro Gaadiidka.