Faahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maleeshiyada Alshabaab maanta ku weerartay saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka J/Hoose.
Weerarka oo ku bilowday Qarax is-midaamin ah oo loo adeegsaday Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kadib waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadii Jubbaland iyo kuwa Alshabaab.
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen Al-shabaab, isla markaana dagaal culus oo difaac ah uga hortageen, iyadoo meydadka Alshabaab ay daadsan yahay banaanka xeradii ay weeraraan ee degmada Afmadow.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo ahaa laba qarax oo is-miidaamin, ayna qasaare weyn ku gaarsiiyeen ciidamo dagaal loo diyaarinayey oo xerada ku sugnaa.