Allaha u naxariistee waxaa Qarax loogu xiray gaarigiisa ku geeriyooday Weriye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo u shaqeynayay TV-ga Kalsan ee magaalada Muqdisho.
Gaariga weriyaha ayaa qarxay xilli uu marayay degmada Wadajir agagaarka Suuqa Malayga oo u dhow suuqa weyn e degmada Wadajir, waxaana dhaawac culus uu soo gaaray dartii uu ugu geeriyooday isbitaalka markii la geeyay.
Warrka ayaa sheegaya Laba caruur ah oo gaariga la saarnaa ay ka badbaadeen Qaraxa, iyadoo la dhigay isbtiaalka Medina ee magaalada Muqdisho.