Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xasuuq la sheegay in ciidamada Liyuu Police ee Kilinka Shanaad ee Soomaalida iyo ciidamada Milateriga Itoobiya ka geysteen duleedka degaanka Jaamac Dubad ee u dhow Gaashaamo xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, gobolka Togdheer.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in dadka la dilay ay timid kadib markii muran ka dhashay ganacsiga Qaadka uu keenay in dabley degaanka ah ay dilaan sarkaal ka tirsan Liyuu Police.
Ciidamo aargoosi u tegay degaankaasi oo ka tirsan Liyuu Police oo ah ciidamo hoos taga maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dadka degaankaasi iyagoo laayay in ka badan 50 ruux oo meydadkooda aan weli la aasin.
Jabhadda ONLF oo ah urur ku kacsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in dadka lagu dilay Gaashaamo ay gaarayaan 51 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Ma jiraan wax war ah oo kasoo yeeray maamulka Itoobiya iyo maamulada Soomaalida, waxaana arrinta iskood ugu dhex jira odayaasha degaankaasi oo la xaajoonaya saraakiisha Liyu Police.
Wadani.com