Waxaa soo baxay maanta warar ku saabsan in dowladda Kenya ay xirtay isla markaana shatigii kala noqotay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil.
War uu soo saaray Bankiga Dhexe ee Kenya ayaa lagu caddeeyay in Xawaaladda Dahabshiil ay shaqadeedii caadiga ahayd wadato, laakiin Dahabshiil Bank oo hore loo diiwaan geliyay lagala noqday Shatigii.
Wuxuuna intaas ku daray inaysan isku xirneyn Xawaaladda iyo Dahabshill Bank International (Kenya) Ltd oo hore u codsaday in loo diiwaangeliyo Banki ahaan, balse markii danbe lagala noqday.
Bankiga Dhexe ee Kenya ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray galabta in Dahabshiil Money Transfer Limited ay weli shaqeyneyso. Ma cadda sababta Dahabshiil Bank uga noqday in laga diiwaan geliyo dalka Kenya.
Guddoomiyaha Shirkada Dahabshiil ayaa isna sheegay in shaqadii iyo ganacsigii ay shirkadiisu ka waday dalka Kenya ay si buuxda u socdaan. “Ganacsigeenu waa ka furan yahay dalka Kenya, iyo dunida” ayuu yiri C/rashiid Ducaale.
Dahabshiil ayaa ah shirkadda ugu weyn xawaaladda ee Afrika ka howlgasha waxayna dunida ku leedahay 126 dal oo dunida ku faafsan.
Wadani.com