Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal ciidamada Galmudug iyo kuwa Alshabaab ku dhex maray degaanada tuulooyinka Budbud ee Bariga gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa qarxay Barqanimadii Saaka markii ciidamada Galmudug ay isku dayeen inay qabtaan maleeshiyo Alshabaab oo degaankaasi kasoo gashay dhinaca Garacad oo ay kasoo firxadeen, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dagaalku weli socdo.
Qasaaraha dagaalka ee hordhaca ah ayaa sheegaya in 5 askar iyo maleeshiyo isugu jirta lagu dilay dagaalkaasi, waxaana ciidamo hor leh laga diray magaalada Gaalkacyo si ay u xoojiyaan dagaalka Galmudug kula jirto kooxaha Alshabaab ee yimid Garacad.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa dadka maamulkiisa ka dalbaday inay gacan siiyaan ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Wadani.com