Faafhaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ka dhacay degmada Dayniile oo dabley ka tirsan Alshabaab ay la beegsadeen goob bar koontarool ah oo ku dhow xarunta degmada.
Weerarka oo ahaa arbushaad ayey ayaa la isku weydaarsaday rasaas xoog leh iyo Qoryaha culus, waxaana muddo daqiiqado ah socday is-rasaaseynta labada dhinac oo hal qof uu ku dhintay.
Maamulka Degmada Dayniile ayaa beeniyay in la weerarray xarunta degmada, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay in weerar lagu qaaday xarunta degmada Dayniile, waxayna sheegeen inuu dhacay weerar gaadmo oo Alshabaab kusoo qaadeen Bar kontorool oo ku taalla Tiida ee duleedka degmada, laga hortegay.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii xalay ay ku qaadeen laba Bar koontarool Isgoysa Tii-da, isla markaana ay ku dileen 5 askari, kana furteen Hub, laguna gubay Mooto.
Alshabaab ayaa kordhisay weerarrada qaraxyada iyo kuwa tooska ah, iyadoo shalay Galab ay Muqdisho ka fulisay qarax is-miidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo mas’uuliyiin.