Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho ee waqooyiga Carbiska kadib markii xalay ay cilad ku timid oo lugaha u bixi waayeen. Diyaaraddan waxaa laga leeyahay dalka Masar, waxayna u kireysneyd shirkad Brngraf oo qandaraas ku heysata Raashinka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Waxaa diyaarada la socday 7 ruux oo shaqaalaha iyo duuliyeyaashii diyaaradda ah, waxaana dhaawac soo gaaray laba kamida shaqaalaha iyadoo intii kale ay badqabeen, waxayna ku dejiyeen meel bannaan oo qasaaraha yareysay.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa isku xeeray xalay ilaa saaka goobta diyaaradda ku dhacday, waxaana saaka xiran degaankaasi iyadoo la daadgureynayo shinxadii saarneyd.
Qasaaraha diyaarada ayaa ah mid dhexe oo baalaha iyo dhinaca hoose saameeyay, waxaana laga deyrinayaa in dib loo howlgelin karo.
SAWIRRO
Wadani.com