Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»FAALLO: Dhacdadii Bariire Ma shil bay ahayd mise shirqool…?

    FAALLO: Dhacdadii Bariire Ma shil bay ahayd mise shirqool…?

    August 27, 2017Updated:August 27, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tacadigii Bariire waxay aheyd Khatar xambaarsan fariin ah kala daadsanaanta howlaha amaanka ku aadan badbaadinta Ummada Soomaaliyeed. Mudo dheer oo taariikh leh lama haayo siyaasad ku aadan badbaadinta iyo amaan gelinta qofka Soomaaliga ah ee dalka gudahiisa.

    Dagaaladii sokeeye, waxaa meesha ka baxay xormada nafta aadamiga ah, maamuladii KMG ahna waxay tacadiyo badan ka geysteen xuquuqda dadka muwaadiniinta ah. maamul ku sheegii Mbaghati waxay madiidin u noqdeen ciidamo shisheeye ah, Itoobiyaankii shacbiga Soomaaliyeed ku xasuuqay dalka gudahiisa, taasoo noqotay taariikh lama ilaawaan ah.

    Dowladihii rasmiga ah ee tii Xasan Sheekh iyo mida hadda joogto, weli kuma aysan guuleysan in la tixgeliyo sharafta iyo muwaadinka Soomaaliyeed.

    Ciidamada shisheeye ee Somalia ku sugan, dil bareer ah iyo shilba waxay geystaan dib looma eego. Kuwa lagu tilmaamay ciidamada amaanka qaranka, askar iyo saraakiilba waxaa ka mid ah mooryaantii iyo gacan ku dhiiglayaal badan oo dhiig daadshay mudadii dagaaladii sokeeye.

    Mida ka dhacday Bariire, ma ahan midii ugu horeysay, bal todobaadyadii ugu danbeeyay xataa waxaa Jilib lagu xasuuqay dad isku qoys ah oo aan waxba galabsan.

    Soomaalida waxay noqdeen dhibane iyo aadami looma ooyaan ah. Dowladda Farmaajo waxqabadkeeda amaanka ah, waxay kusoo aruurtay dacaayado iyo been abuur ah, dhab ahaantii ah mid lagu dedaayo waxqabad la’aan iyo xirfad la’aanta haysata dadka madaxda ka ah howlgalada ciidamada.

    Sambaloolshe wuxuu ugu horeeyaa taliyeyaasha turaanturada iyo guuldarada ku ah howlaha amaanka ee qaranka, aqoon la’aantiisa adeegyada amniga waxay u horseeday inuu kala saari waayay caddowga iyo muwaadiniinta ku hoos nool deegaanada ay xukumaan.

    Arintii ka dhacday Bariire lama dhihi karo shil, bal waa shirqool. Dowladdii wey kala hadashay, iska war qab la’aan dhexdooda ah iyo xuuraanka NISA oo aan dowladda u fududeyn warsiin dhab ah.

    Madaxweynihii iyo xukuumaddiisa siyaabo kala duwan oo khalad ah, sharaf dhacna ah ayey ugu hadleen dhacdadii Bariire, waxaa la xasuuqay shacab rayid ah, maatina ah, dowladdiina si jees jees ah iyo faan ayey ku tilmaamtay dadkii la laayay inay ahaayeen Shabaab iyo Argagixiso, shacbigii nawaaxiga Afgooye iyo Bariire iyo qeybo kaloo ka mid ah dalka waxay ka muujiyeen arrintaasi gadood iyo iyagoo dowladda ku tilmaamay mid aan mas’uuliyad iyo damaanad laheyn.

    Meydadkii marxuumiinta oo isugu jiray dad waayeel ah, haween iyo caruur ilaa hadda lama aasin, sababtoo ah iyadoo dowladda ku guuldareysatay inay bannaanka soo dhigto canaasiirtii ku fadeexoowday xasuuqaaasi.

    Nasiibdarada ugu weyn jirta waxaa waaye, ciidamada gudahooda ayaa waxaa laga dhex heli karaa saraakiil howlgalada u adeegsada aargoosi qabiil iyo isbaarooyin aan qaban mujtamaca la nool xaalada wadanka.

    Farmaajo iyo xubnahiisa dowladda horaa loogu tilmaamay fudeyd, fudeydkaas ayaa wax walba ugu dhigay fidno ee lugaha lasii gelayaan, waayo aragnimo la’aan iyo aqoondaro xagga xirfadaha maamul ey dalka ku xukumayaan.

    Dhacdadii Bariire haddii ay sii socoto noocyada dhacdadii Barrire oo kale ama kuwo kale oo meelo kala duwan ee dalka ka dhacay waxay horseedi karaan argagixisada caddowga ah inay soo jiitaan shacbiga u baahan inay dowlad caadil ah helaan, taasoo ah sawirka dhabta ah ee mushkilada amaanka khatarta ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

    Talada maanta taal waxay tahay dowladda iyo howlaheeda amaanka qaranka in istiraatiijada iyo siyaasadda ku saabsan badbaadada shacbiga meel kasta ay dalka ka joogaan in laga soo saaro shuruuc iyo go’aamo cad cad ee kafaalo qaad u noqon kara nolosha, daryeelka iyo amaanka muwaadinka Soomaaliyeed.

    Faallada Warfaafiye.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Sare oo Amar kasoo saartay Maxaabiista ay iska xirtaan ciidamada Dowladda [Akhriso]
    Next Article Meydadka Dadkii lagu dilay Weerarkii Bariire oo la diiday in la Aaso [Akhriso Laba shardi oo lagu xiray]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo