Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajaheysa cadaadis diblomaasiyadeed iyo xaaladda kacsan ee ka oogan Khaliijka Carabta.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalka Qatar iyo xiriirka loo jaray Qatar wuxuu ku soo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay dooneysay inay taageero dhaqaale ka wada hesho saddexda dal ee ugu tunka weyn Khaliijka.
Socdaalkii ugu horeeyay ee Farmaajo ku tegay Sacuudiga isagoo maalmo qura dooran wuxuu xaqiijiyay in Sacuudigu yahay dalka ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaana Sacuudigu uu hadda diyaarinayaa mashaariic dib u dhis u badan oo Soomaaliya laga fulinayo, kuna kacaya lacag ku dhow 4 Bilyan oo Doolar.
Waxaa kaloo jira dhaqaale Sacuudigu u qoondeeyay dowladda Soomaaliya oo lagu kabayo miisaaniyadda dalka, waxaana Sacuudigu ka codsaday dalalka isbaheysiga la leh inay xiriirka u jaraan Qatar.
Codsiga Sacuudiga waxaa durba yeelay oo ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dalka Qatar dalka Yeman iyo Jasiiradaha Maldives, waxaana la filayaa inay dalalka kale ee ku xiran Sacuudiga ay tallaabadaas qaadaan.
Iyadoo Wasiiradii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya ay Berrito Sacuudiga u tegayaan inay saxiixaan heshiisyada mashaariic Sacuudigu ka fuliyo Soomaaliya ayaa culeyska saaran dowladda Soomaaliya uu sii noqonayaa mid culus oo lagu qabsi doono inay xiriirka u jarto Qatar.
Socdaalkii Farmaajo ee Qatar iyo balanqaadkii dhaqaale ee uu kasoo helay waxaa shaki la’aan ka saameyn badan kuwa Sacuudiga, taasoo dowladda Soomaaliya ka dhigeysa mid aan ka bedelnaan doonin dowladii Xasan Sheekh oo si fudud xiriirka ugu jartay Iiraan markii Sacuudigu ka dalabday, kuna bedelatay deeq lacageed.
Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka in diblomaasiyadda Soomaaliya ay mar kale iibsato Boqortooyada Sacuudiga iyo in kale…!!
FAALADDA GOOBJOOGE