Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Faallo ku saabsan Duqa cusub ee Muqdisho‏ Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale

    Faallo ku saabsan Duqa cusub ee Muqdisho‏ Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale

    October 27, 2015Updated:October 27, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    shyusuf

    Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka xayuubiyay maalmo ka hor Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, inkastoo maanta (Isniin) ah si rasmi ah loo shaaciyay xil ka qaadista Muungaab iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

    Waa Kuma Sheekh Yuusuf?


    Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka mid ah xubnaha xisbiga Madaxweynaha ee PDP, isagoo ahaa Xoghayaha arrimaha gudaha.  wuxuu wax ku soo bartay dalka Masar gaar ahaan Jaamacadda Arab Open University, oo uu ka diyaariyay Shahaadada heerka labaad ee Master-ka.

    Sheekh Yuusuf wuxuu bartay Qur’aanka iyo Diinta Islaamka,taasoo keentay in dadka qaarkiis ugu yeeraan Sheekh, isagoo nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horaysay ee Dowladda Masar waxbarasho ugu deeqday maamulkii Cali Mahdi Maxamed sagaashameeyadii, mudo sanado ahna wuxuu deganaa Qaahira oo heerka waxbarasho uu kasoo gaaray.

    Guddoomiyaha cusub oo beel ahaan kasoo jeeda beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan beesha Daa’uud, wuxuuna jufo hoosaad ay yihiin Hoggaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow.

    Waxaa uu ka mid ahaa dadkii lasoo shaqeeyay Muuse Suudi Yalaxow, ka hor inta uusan u xuub siiban Hoggaamiye Kooxeednimada, balse uu maamulayay Maxkamaddii Madiina oo uu u ahaa darawalka gaarka.

    Dadka aqoonta u leh Sheekh Yuusuf, waxay sheegeen inuu aaminsan yahay  fikirka ah wax wada qabsi iyo caddaalad. balse waxaa isweydiinta tahay Wadaadku ma yahay xil iyo xoolo doon?, oo madaxda Sooomaaliyeed looga bartay.

    Maxaa horyaala Guddoomiyaha cusub?

    Shaki kuma jiro in caqabado badan oo dhan walba leh uu la kulmi doono Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana horyaala howllo qabyo ah oo u baahan in laga sii wado meesha ay taagan yihiin ee Muungaab ugu tegayo.

    Caqabadaha ka hor imaan kara, ayaa laga xusi karaa inuu la kulmo mucaarado iyo diidmo beelaha qaarkood iyo siyaasad ahaan, hase ahaatee xiligan u muuqata in taasi laga soo gudbay.

    Caqabadaha kale ee uu la kulmi karo ayaa ka mid noqon kara, fulin la’aanta sababihii dhaliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii hore oo markii danbe afka furtay, kana horyimid dano shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda lacago ugu qaadanayeen hay’adda burburinayay dalka iyo bilicda.

    Maxaa laga sugayaa? 

    Guddoomiyaha cusub waxaa laga sugaa in balan qaadyadii Muungaab meeshoodii inuu kasii wado,, kuwaasoo laga xusi karo balan qaadkii furista 36 wado oo mas’uuliyiin, hay’addo iyo shaqsiyaad ku awood badan Muqdisho ay u xeran yihiin, dadkana ku dhiban yihiin. Laakiin tallaabadaasi ma noqon doontaa mid Guddoomiyaha cusub ku dhaqaaqo mise xilkiisa ayuu ilaalsan doonaa oo kuma deg degi doono?. 

    Sheekh Yuusuf wuxuu noqon doonaa Guddoomiyihii Labaad ee gobolka Banaadir u magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xiliga jiritaanka Dowladdan ay ka harsan tahay sagaal bil uun.

     

    W/qoray Cali Muxiyaddiin Cali

    Tifaftiraha Warfaafiye

     

    Email: [email protected]

     

    Duqa cusub ee Muqdisho Yusuf Jimcaale
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Muungaab oo Dokumentiyo halis ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbinaya Beesha Caalamka
    Next Article DEGDEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiiro u magacaabay xilalkii ay isla casileen wasiiradii Kulmiye (Magacyada wasiirada cusub)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo