Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Faankii Fahad iyo Fiyoonadii Za’iir (Ina Yaasiin waardiye uma aha Farmajo – Qormo Sirdoon)

    Faankii Fahad iyo Fiyoonadii Za’iir (Ina Yaasiin waardiye uma aha Farmajo – Qormo Sirdoon)

    February 4, 2022Updated:February 4, 20223 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan ka dhoofayaa Addis Ababa waxaana wattaa jaan tusyada xeryaha ciiddanka Itoobiya, hadday xabashidu igu arkaan waa qoor gooyo aan qiil lahayn , xafiiskii aan ka jaranayay tikitka ayaan ku arkay qof Haweeneey reer Za,iir ah ( Fiyona) oo gu’gii 40 aad aan is leeyahay waa dhaaftay ladnaanse ka muuqato , si indha adayg ah ayaan u bartay waxay u safraysaa Kinshaasa oo aan sii mari doono si aan Qaahira u gaaro, hotelkay ku jirtay ayaan u raacay waxaan hubsaday dharaarta ay baxayso , nasiib wanaag 7 casho ka dib ayay dhoofi doontaa , intaan haleel ugu laabtay xafiiskii tikidhada ayaan dharaarteedii ku aadistay, hotelkiina dhinac baan kasoo dagay.

    Sagaal boqol iyo jajab dollar ah oo aan wattay iyo jaan tuskii ayaan boqshad ku ritay , Fiyoona ayaan subaxdii aanu bixi doono inta qolka ku garaacay iri waan iska joogayaa oo xoogaa Dollar ah ayaan ka baqayaa in la iga qaatto markaan xal u helaan soo dhoofiye iska nabad gal , waxay tiri ma dhacayso anigaa kuu qaadaya oo waxaan galin meel aan la baari karayn , si dhaga waddanaan leh ayaan uga yeelay si nabad ah ayaan Kinshaasa ku gaarnay xoolahaygiina kula wareegay sooryadii safarka markaan ka baxshay xaashiyahaygii muhiimka ahaa ayaan Qaahira la aaday oo aan xamar uga soo baxay Islaantaas maysan ogayn waxay waddo miisaanka iyo muhiimadda uu leeyahay.

    Gu’yaashii uu Fahad Yaseen ahaa Taliyaha NISA , Taliskeeda waxaad mooddaa inaysan wax badan ka duwanayn Islaantii Xogta muhiimka ii wadday aanse ka warhayn waxay siddo qiimaha ay u leeyihiin Qaran Soomaaliya la yiraahdo, Hay’addu waxay qabatay oo ay ku faani karto waxay ila tahay inay adkeeyeen ammaanka xarumaha ay Madaxdu dagan tahay , jidadka loo maro iyo goobaha ay ku kulmaan , waxaa yaraaday dadkii la iska xiran jiray waxaase soo kordhay in Safaaradaha qaarkood aysan qof Soomaali ah siinin Dal ku gal ilaa uu NISA ka helo ogolaansho , helitaanka ogolaan shahaas shacab badan waxay u maraan dullaaliin dollar ka qaata.

    Akhriso: Qormadii Fahad Yaasiin

    NSS tii Soomaaliya sanidii hore waxaan ka shaqayn jirtay nabad galyada dalka iyo dadka soomaaliyeed hasa ahaatee nasiib xumadu waxay dhacday 80 aadkii markaan u xuub siibanay la dagaallanka shacabka Soomaaliyeed, xiligan haattan la joogo xoogga shaqada Hay’adda NISA waxaa laga dhigay dullaal Siyaasadeed waliba gurracan kulamadii ugu badnaa ee Taliyaha NISA Fahad sanadihii tagay wuxuu la qaatay Xildhiiban iyo cid doonaysa Xildhibaan xooggiisa wuxuu isugu geeyay inuu helo codadkii lagu dooran lahaa Madaxwaynaha xiga Farmaajo, Dadka badankii waxay u malaynayaan inuu Ina Yaseen waardiye u yahay Farmajo xogtuse sidaas way ka duwan tahay.

    70% haddii shaqada Hay’adda loo leexin lahaa nabad gal yada Xamar siday tahay waa dhaami lahayd. Shacabkuna waa ka ducayn lahaayeen kalsoonida kala qaarana waa loo dhamays tiri lahaa Nabad iyo Nolosha dusha ka wada socota guntana ku kala tagsan .

    Akhriso: Jawaabtii C/raxmaan C/shakuur ee Qormada Fahad Yaasiin

    Inta Xuduudaheenu iska balaqan yihiin , inta badeeco dhacday lasoo waariyado , inta shilimaadka Khaliijka aan u hanqal taagayno NISA wax wanaagsan oo ay samaysay oo lagu faano inoogama muuqdaan. Xildhibaanada dooranna kama sugayno geed waaban inay geeyaan Qaranka maydkaa.

    Sanadihii ugu dameebay NISA waxay yeelatay hanaan Dawladeed shacab iyo madaxba waa ka dhawr sanayeen waana loo soojoogsanayay hase yeeshee Taliska Hay’addu uma muuqan awoodda iyo sida loogu joogsanayo , Taliyuhu malaha sidii Fiyoona ayuusan ogayn qiimaha Qolka uu Qaranka furihiisa u hayay !!

    W/Q F Xiirane (NSS 1976 – 1991)
    Email: [email protected]

    Fahad Yaasiin NISA Qormo Top Xiirane
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Magacyada xildhibaannada ku fadhiya 13-ka Kursi ee lagu dooranayo Magaalada Baraawe
    Next Article Dadaalkii ugu danbeeyay ee badbaadinta 5 Sano jirka Ceel ku dhacay Dalka Marooko oo socda

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo