Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    May 9, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    1-da Bishan May 2018 waxaa ku dhammaaday 100 maalmood oo uu xilka hayey guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xilka loogu magacaabay si lama filaan ah kadib markii ay isku dhaceen Guddoomiyihii shacbiyadda badnaa Taabit Maxamed Cabdi & Madaxtooyada.

    Dad badan ayaa ugu horeyntiiba saadaaliyey in C/raxmaan Yariisow xilkan loogu dhiibtay inuu u s hayo madaxda sare iyagoo ku dhaliilay inuu yahay nin dolwad ku nool ah oo aan lahayn damac siyaasadeed, isla markaana maareyn karin xilka culus ee hoggaanka Gobolka Banaadir.

    Qormooyin taxane noqon doona ayaan dib ugu eegeynaa: Waxqbadka, Caqabahada iyo Xaaladihii la soo gudboonaaday Guddoomiye Yariisow 100-kii maalmood ee uu xilka hayey, inagoo soo bandhigi doona arrimaha ugu muhiimsan wixii ka dhacay maamulka G/Banaadir intii uu xilka hayay Yariisow.

    Arrimaha ugu muhiimsan ee Qormadan soo bandhigi doonto waxaa ka mida:

    1- Sidee loo magacaabay Guddoomiye Yariisow: oo lagu eegi doono cidda ka danbeysay in xilkan loo magacaabo iyo xaaladii ku wareegsaneyd magacaabidiisa, waxaan kaloo soo bandhigi doonnaa khaladaad ka dhashay qaabkii magacaabidda maamulka Gobolka Banaadir ee soo baxay 21-ka Janaayo 2018.

    2- Qodobka labaad ee aan Qormooyinkeena ku faaqidi doono ayaa noqon doona hoggaanka Guddoomiye Yariisow iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka mar qura la wada magacaabay ee uu guddoomiyaha u yahay, iyadoo lagu bandhigi doono laba Garab ee ay u kala qeybsan yihiin maamulka G/Banaadir.

    3- Waxaan Qormo gaara ku eegi doonaa: Guddoomiyaha dhabta ah ee maamulka G/Banaadir iyo ninka qarsoon ee kala wada maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho, halkaasoo laga ogaan doono awoodda Guddoomiyaha xilka ku magacaaban.

    4- Arrinta afraad ee Qormaooyinkan lagu soo bandhigi doono ayaa ah Guddoomiye Yariisow iyo Dhulka danta guud oo lagu soo bandhigi doono dhulalka uu bixiyey 100-ka maalmood ee uu xilka hayey, xiriirka kala dhaxeeya shirkad canshuuraha ka qaadi jirtay Guryaha Muqdisho oo dowladii Xasan Sheekh iyo Maamulkii Yuusuf Jimcaale heshiis la galeen.

    5- Qormada ugu danbeysa waxaan ku soo gabagabeyn doonnaa ololihii ay Guddoomiye Yariisow ku qaadeen kaaliyeyaasha waaweyn ee Madaxtooyada, halka uu kasoo jeedo iyo halkii uu ku danbeeyay.

    LA SOCO QORMOOYINKAASI INSHA ALLAAH

    100 maalmood ee C/raxmaan Yariisow G/Banaadir Muqdisho Taabit Top Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: 3-da Qodob ee Gaas & Axmed Madoobe u adeegsadeen Dagaalka ay ku bilaabeen dowladda Federaalka
    Next Article DEGDEG: Gantaallo Xuuthiyiinta ku weerarreen magaalada Riyaad oo hawada lagu burburiyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo