Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»FAAQIDAAD: Cadaalladii Madaxweynaha laga raadiyey: Kiiska Amaal, cabashadii Hooyo Amran & Jawaabtii Madaxtooyada.

    FAAQIDAAD: Cadaalladii Madaxweynaha laga raadiyey: Kiiska Amaal, cabashadii Hooyo Amran & Jawaabtii Madaxtooyada.

    January 19, 2020Updated:January 22, 20207 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hooyo lagu magacaabo Amran Maxamed Cusmaan ayaa 16-kii bishan Janaayo 2020 soo jeedisay cabasho ku saabsan gabadh ay dhashay oo maqan, ayna ku eedeysay inay afduubteen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dalbatay in arrinteeda lasoo farageliyo oo madaxda sare sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka codsatay inay wax u qabtaan.

    Nuxurka cabashada Hooyo Amran wuxuu ahaa sida soo socota:

    Bidix: Hooyo Amran Maxamed Cismaan (Xalane)

    Inay ka maqan tahay gabar ay dhashay oo ay dibadda kasoo celisay,

    In gabdho ay wada socdeen ay u gacan geliyeen rag ka tirsan ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya

    Inay soo dirtay farriin ku saabsan in la isku dayey in la kufsado

    In askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada loo xiray, kadibna ay CID-da sii deysay

    In CID-da iyo maxkamadda ay meermeeriyeen askarta Madaxtooyada ee kiiska gashayna ay sii daayeen.

    Inay laba bilood oo iska daba wareejin ah wax cadaalad ah aysan helin, gabadheediina maqan tahay

    Inay caddeymo badan oo maqal iyo muuqaal ah heyso, sida:

    Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo sawirka gabadheeda maqan soo diray

    Taliye ka tirsan ciidamada Madaxtooyada oo dil ugu hanjabay Hooyo Amran haddii ay arrintan faafiso

    Baaq iyo codsi ay u dirtay Madaxweynaha inuu arrinteeda soo farageliyo

    Cabashada Hooyada Soomaaliyeed ee gabadheedii maqan tahay kama duwaneyn, balse way ka xanuun badneyd cabashooyin hore oo dad kala duwan oo cadaalad raadin ah ay u direen Madaxa Sare ee dalka, laguna baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo Madaxtooyada iyo dad u dhow ay si degdeg usoo farageliyeen, kana dhigteen waxqabad ay ku faanaan oo iidheh ku sameystaan; laakiin kiiska Amran wuxuu ugu duwanaa iyadoo cidda la eedeynayo ay ahayd Madaxtooyada, jawaabtiina waxay noqotay lama filaan..!

    Jawaabtii Madaxtooyada, Xeer ilaalinta Milateriga & Warbaahinta Dowladda

    Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada farriintiisii waxay ahayd jawaab qabyo ah oo qeyb ahaan dembi la’aan ka dhigeysa ciidamada madaxtooyada, balse ku meereysatay in baaritaan la sameeyo, waxna la husado; waxaase soo baxday jawaabtii Madaxtooyada oo adeegsaneysa Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida oo si aan hore loo arag u soo abaabushay war laga sii daayay TV-ga Qaranka oo ah jawaab loo diray Hooyadii cadaaladda u raadisay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxtooyada Qaranka.

    WARBIXINTA WARBAAHINTA DOWLADDA LAGA SII DAAYEY

    Warbixintii jawaabta ahayd ee TV-ga Qaranka uu baahiyey waxay ahayd mid dhinac ka rarran oo xirfad saxaafadeed ahaan khaldan, TV Qaran ahaannaa nasiib darro ah tiiyoo la difaacayo ciidamada madaxtooyada in Hooyo ka cabaneysasay cadaalad darro la ceebeynayo, lana fadeexeeyo gabadhii dhibanaha ahayd ee maqneyd. Nuxurka Warka la jarjaray ee TV-ga Qaranka ka baxay wuxuu ahaa kaliya in kiiska laga berri yeelo oo laga nadiifiyo Madaxtooyada iyo ciidamadeeda.

    Warbixinta TV-ga waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha soo socda:

    BIDIX: LABA KA MID GABDHIHII LA SOO BAXSADAY AMAAL IYO HOOYADOOD

    Waxaa la sheegay magaca gabadha maqan (Amal Nur Cusman), waxaana muuqaalkeeda laga baahiyey warbaahinta dowladda, iyadoo aan loola dan lahayn baafin ee lagu fadeexeynayo. (Ma ahayn raadinteeda oo ay waajib ku ahayd Hay’adaha Sharciga ee kiiska gacanta ku hayey).

    Waxaa la sheegay in dhaqan celin ahaan dibadda looga keenay oo la geyay xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla degmada Hodon, ayna ka baxsadeen iyagoo 6 Dumar ah oo afar ka mida dibadda laga keenay.

    In la adeegsaday mid ka mida gabdhihii Amal la soo xiriirtay ee ay xarunta dhaqan celinta u wada jireen (Ayaan), taasoo AMAL ku eedeysay denbiyo ay ka mid yihiin: inay ahayd qof xanaaq badan, ay abaabushay inay baxsadaan, inay dooneysay inay hooyadeed dacweyso oo safaaradaha dalkii laga keenay ay tagto iyo arrimo kale oo aan haba yaraatee caddeyn lahayn hal dhinacna laga qaatay.

    Waxaa kaloo la adeegsaday codka hooyada dhashay Ayaan (Meymuun) oo kaliya laga qaatay eedeynta Hooyo Amran oo ah inay ku khaldan tahay inay eedeysay ciidamada Madaxtooyada.

    Waxaa la adeegsaday nin ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda la sheegay inuu la dhashay hooyo Amran oo difaacaya ciidamada madaxtooyada, sheegayna inay wax caddeyn ah waayeen oo eedeynta ciidamada madaxtooyada ay khalad tahay.

    JAWAABTA XEER ILAALINTA CIIDAMADA

    Gen. C/llaahi Buulle Kamey

    Xeer ilaaliyaha ciidamada Milateriga Jen. C/llaahi Buulle Kamey wuxuu kaliya oo kiiskan uu ka sheegay in markhaati iyo caddeyn loo waayey eedeynta ciidamada Madaxtooyada, isagoo aan faahfaahin sida ciidamda Madaxtooyada ugu lug yeesheen arrintan markii horeba. Xeer ilaaliyaha wuxuuna ka warbixiyey sida gabdhaha usoo baxsadeen wuxuuna markaasi adeegsanayey shir jaraa’id oo ay soo abaabulen, kaasoo ay qabteen gabdhihii lasoo baxsaday oo dhinaca kale hooyo Amran ay ku eedeysay inay gabadeeda u gacan geliyeen ciidamada Madaxtooyda.

    Xeer ilaaliye Kamey isagoo gacanta ku haya sawirka gabadha maqan ee AMAL ayuu amar ku siiyey CID-da in raadiso ayna dhinacooda Maxkamadda ciidamada iska wareejiyeen kiiska mar haddii aysan ku lug lahayn ciidamada Madaxtooyada. Wuxuu ahayd Dacwad-ooge go’aan gaaray, warkiisuna kuma caddeyn go’aan Maxkamadeed.


    MAXAA KASOO BAXAY..?

    Kiiskan yaabka leh ee ku bilowday cabashada Hooyo Amran, ayna ka danbeysay jawaabta Madaxtooyada soo abaabushay ee Xeer ilaalinta ciidamada iyo CID, wuxuu bannaanka soo dhigay khaladaad fara badan iyo su’aalo ka badan kuwii ay hore u abuurtay Hooyo Amran markii ay baraha bulshada iyo warbaahinta maciinsatay 2 bilood kadib.

    SU’AALAHA KA DHASHAY

    SU’AALAHA KIISKAN KA DHASHAY

    1- Kiiskan labada bilood socday ilaa heerkii ayuu gaaray.. Maxkamad miyaa xukuntay..? mise dhexda ayaa laga bixiyey..? (Jawaabta dowladda laguma caddeyn)

    2- Sidee ciidamada Madaxtooyada iyo saraakiishooda ugu lug yeesheen kiiskan oo heerkaas ula gaareen..? (Sarkaalka Madaxtooyada ee sawirka gabadha soo diray halkee ka keenay..:)

    3- Taliyaha Madaxtooyada ka tirsan ee u hanjabay Hooyo Amran maxay ahayd kaalintiisa…? Maxayse ahayd Lacagta la weydiisay Amran ee madax furashada ah..?

    4- Gabdhaha lasoo baxsaday Amaal ee hadda eedeynaya iyo hooyadood maxaa kala dhaxeeya madaxtooyada? (Ogow… Dhinaca Hooyo Amran waxay u yihiin eedeysanayaal gabadheeda u gacan geliyey ciidamada madaxtooyada).

    5- Maxay CID-da kiiskan si fiican ugu baari weyday..? [Sidee ciidamda dowladda iyo Hay’adaha Amniga u weyn karaan qof ku sugan magaalada Muqdisho oo heysata Telefoon shidan oo farriimo kasoo direysa..?]

    6- Maxay CID-da ula hadli weysay saxaafadda oo kiiskan u faahfaahin weyday?

    7- Maxaa keenay in xeer ilaalinta ciidamada Milateriga ay warbaahinta ka difaacdo ciidamo eedeyn loo jeediyey..? Aaway go’aankii Maxkamadda ciidamada intii xeer ilaaliye go’aan ka gaari lahaa kiis heerkaas gaarsiisan..?!

    WARBAAHINTA DOWLADDA

    1- Warbaahintii Qaranka ee jawaabta Madaxtooyada sii deysay iyo weriyihii soo diyaariyey Warkan waxay iska indho tireen xaqii loogu lahaa inay arrinta laba dhinac ka eegaan kiiska, sooma hadal qaadin dhinacii kale ee Hooyo Amran, waxay xukumeen inuu warkeedu ahaa sheegasho, iskuma dayin inay wax baaraan ee waxay fadeexeeyeen gabadha dhibaha ah ee maqan, isagoo weriyuhu u muuqday inuu dagaal kala dhaxeeyo..! waxay baahiyeen muuqaalkeeda iyo magaca goobtii dhaqan celinta, waxayna si ulakac ah cod u siiyeen dhinac kasoo horjeeda dhibanaha oo arrimo badan ku eedeynaya caddeymo la’aan.

    SAAMEYNTA KIISKAN YEELAN KARO

    Kiiska gabadha maqan ee AMAAL wuxuu kaloo xiriir dibadda us oo saaray jiritaanka xarumaha dhaqan celin oo Muqdisho ka howlgala kuwaasoo shaqadooda shaki badan ka taagan yahay, arrimo baddanna laga sheego, waana arrin u baahan wax ka qabasho iyo baaritaan kale.

    Wuxuu kaloo saameyn ku yeelan karaa dal ama dalalka laga keenay gabdhahan, taasoo dib ugu soo laabaneysa qoysaska Soomaalida ee qurbaha ku dhibaateysan, caruurtoodana kala soo carara, iyadoo warbixintan ay waalidiinta u abuureyso denbi.

    GUNAANAD

    Qareenada Soomaaliyeed, Warbaahinta xorta ah iyo inta samaha jecel waxaa saaran in xaqiiqada kiiskan laga daba tago oo la soo faqo halka ay wax iska qaban waayeen, si loo ogaado cidda dembiga leh iyo cidda lagu tacadiyey mar haddii Madaxweynihii iyo Madaxtooyadii cadaaladda laga raadiyey lagu hungoobay.

    Wadani

    Gabar la afduubtay Hooyo Amran Xalane Kiiska Amaal Madaxtooyada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Deni oo 6 bilood gudahood ku magacaabay maareeyihii labaad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
    Next Article Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Degmada Afgooye iyo faahfaahin kasoo baxeysa…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo