Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAQIDAAD: Madaxweyne Farmaajo oo lumiyay Fursad uu hore uga faa’iideystay Xasan Sheekh

    FAAQIDAAD: Madaxweyne Farmaajo oo lumiyay Fursad uu hore uga faa’iideystay Xasan Sheekh

    October 11, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lumiyay fursad uu hore uga faa’iideystay madaxweynihii xilka uga horeeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

    Fursadan ayaa hor taallay Farmaajo kadib shir weynihii arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska Bishii May 2017 oo taageeradii uu ka heystay dadka Soomaaliyeed ay ku qasabtay madaxda Maamul Goboleedyada inay daba galaan oo ay hoggaankiisa shacbiyadda badan ku dhismay.

    Inkastoo madaxweyne Farmaajo uu boqooay inta badan maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland oo xaalado siyaasadeed ay baajiyeen socdaal uu qorsheystay, wuxuu haddana dhexda u galay iska hor imaad toos ah oo siyaasadeed iyo qorsheyaal lagula dagaalamayo madaxda maamullada oo laga abaabulay Villa Somalia, iyadoo xaaladu hadda gaartay meel ay faraha ka baxday.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa awoodi waayay inuu isku hayo hay’adaha dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo aan loo baahneyn ugu yaraan sanadka hore ee uu xilka hayo, taasoo loo aaneynayo dadka ku wareegsan madaxweynaha oo khibradoodu yar tahay.

    Xasan Sheekh oo sameeyay Madashii Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa uga gudbay xaalad Soomaaliya qarka u saartay qalalaase siyaasadeed, waxaana sidaasi lagu doortay dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, iyadoo meesha laga saaray awoodihii baarlamaanka markaas jiray.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu indhaha ka eeganayo xaalado siyaasadeed oo ay ahayd inuu la yimaado hal abuur uu uga hortago ama ku maareeyo sida khilaafka Khaliijka iyo saameynta uu yeeshay iyo arrimo kale oo aamusnaan ka door biday xalintooda.

    Shirka Kismaayo hadda uga socda madaxda maamul Goboleedyada waa fursad kale oo uu lumiyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo haddii uu tegi lahaa, kana qeyb geli lahaa ay xaaladda oo dhan isbedeli lahayd, taasoo aan dhicin.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dastuurka u xil saarayaa ilaalinta midnimada dalka, waa isaga qofka laga rabo inuu la yimaado xikmad uu isku hayo dalka kala qoqoban, kuna hoggaamiyo awoodaha is diidan ee isaga doortay, haddii uu taasi ku guul darreystana waxay noqon doontaa waqti kale oo ka lumaya hoggaankii loo han weynaa.

    Wadani

    Farmaajo Madxweyne Farmaajo Shirka Kismaayo Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMa-gafe Soomaali ah oo Xabsi Daa’im lagu xukumay Dalka Talyaaniga
    Next Article AKHRISO: War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Madaxda maamul Goboleedyada ee Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo