Xisaabiyaha Guud ee dowladda Somalia Faadumo Cusmaan Faarax ayaa qoraal adag ku weerartay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya, iyadoo si aan hore loo arag ugu eedeysay faragelin, musuq iyo ku takri fal awoodeed.
Arrintan ayaa dad badan la yaabeen, iyadoo aan hore loo ogeyn xiisad u dhaxeysay Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Wasaarada Maaliyadda, waxaana markii danbe la ogaaday in xisaabiyaha ay ka carootay mas’uul uu magacaabay Wasiirka Maaliyadda oo ay u aragay inuu halis ku yahay shaqadeeda.
AKHRISO: Maxaad ka taqaan Mas’uulka cusub ee loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka..?
Wasiirka Maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 31-ka Bishii Oktoobar magacaabay mas’uul cusub oo noqonayaa Xiriiriyaha Warbixinada Xafiiska Xisaabiyaha Guud, kasoo xiriirin doona Wasiirka Maaliyadda, Hay’adaha Maaliyadda iyo Beesha Caalamka, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Ciise.
Madaxda dowladda Federaalka oo saaxiibo dhow la ah Wasiirka Maaliyadda ayaa la sheegay inay arrintan ku dhex jiraan si xal loogu helo, iyadoo laga cabsi qabo in ay xilkeeda ku weyso xisaabiyaha guud.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA MAALIYADDA EE KA CAREYSIIYEY XISAABIYAHA
HALKAN KA AKHRISO JAWAABTA KULUL EE XISAABIYAHA GUUD