Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»FAAQIDAAD: Maxaa lagu maagay Col. Cali Aden AfhayeenkaAMISOM, sidee xilka looga qaaday?

    FAAQIDAAD: Maxaa lagu maagay Col. Cali Aden AfhayeenkaAMISOM, sidee xilka looga qaaday?

    December 27, 2014Updated:December 27, 20144 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    ali-aden-homued

    AMISOM ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay maanta 27 December waxaa lagu sheegay in Col. Colonel Cali Aadan Xumad oo u dhashay dalka Jabuuti aanu ahayn afhayeenka AMISOM. War saxaafadeedka oo loo qoray qaab degdeg ah oo qalafsan ayaa sidoo kale  lagu sheegay in wararka laga soo xigto Col. Cali Aden ay yihiin kuwo shaqsi ah oo aanay xiriir la lahayn mowqifka AMISOM.

    Amisom-Press Release

    Haddaba haddii aan dib u jaleecno Afhayeenkii AMISOM iyo arrintiisa waxaa noo soo baxaysa arrimaha soo socda:

    Col. Xaamud wuxuu xilka kala wareegay Col. Paddy Akunda oo Uganda u dhashay 7 July 2012, waxaana xaflad saxaafadda loogu yeeray xilkaas loogu shaaciyay inuu la wareegay Col. Ali Aden Homoud.

    Xalfladii xil wareejinta Paddy Akunda oo ka dhacday xarunta AMISOM waxay ahayd mid rasmi ah oo qarsoodi lahayn waxayna u dhacday si sharci ah oo la shaaciyay. Hoose ka akhri xigashada webka AMISOM.

    Outgoing African Union Mission in Somalia (AMISOM) spokesperson Lt. Col. Paddy Ankunda (right) shakes hands with his successor, Colonel Ali Aden Houmed of the Djiboutian Armed Forces (left) 07 July, during a press briefing at the mission’s headquarters in the Somali capital Mogadishu. Colonel Ali replaces Lt. Col. Ankunda who has been AMISOM spokesperson since April 2011, as AMISOM expands its areas of operation outside Mogadishu with new sector headquarters now in Baidoa, Beletweyne and Dhobley. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.
    Outgoing African Union Mission in Somalia (AMISOM) spokesperson Lt. Col. Paddy Ankunda (right) shakes hands with his successor, Colonel Ali Aden Houmed of the Djiboutian Armed Forces (left) 07 July, during a press briefing at the mission’s headquarters in the Somali capital Mogadishu. Colonel Ali replaces Lt. Col. Ankunda who has been AMISOM spokesperson since April 2011, as AMISOM expands its areas of operation outside Mogadishu with new sector headquarters now in Baidoa, Beletweyne and Dhobley. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

    Tan iyo waqtigaas afhayeen Ali Hamoud wuxuu bedelay wejigii AMISOM isagoo Soomaalida u soo dhoweeyay howlgalka AMISOM, wuxuuna ahaa shaqsi afka Soomaaliga kula hadla saxaafadda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana lagu qiimeyn karaa inuu ahaa afhayeen xilkiisii gutay oo sameeyay in ka badan wixii laga fili karay qof kasta oo booskaas joogi lahayd, wuxuuna ahaa shaqsi aan daalin oo u furfuran saxaafadda Afka Soomaaliga ku hadasha.

    Ma jirin xil ka qaadis ugu yaraan la shaaciyay oo hore loo maqlay ama loogu sameeyay Afhayeen Xaamud, warkii ugu danbeeyay ee si rasmi ah loogu qoray webka AMISOM kana soo baxay Col. Xaamud wuxuu ahaa 19 October 2014, markaas oo lagu lamaaniyay Eloi Yao, oo sida warsaxaafadeedkaas ku qoran labadoodaba lagu sheegay inay yihiin afhayeenada AMISOM.

    Amisom-Press Release-2

    Haddaba, waxaa la yaab leh in AMISOM u dhaqanto sidii koox jabhada ah oo si degdeg, haddana lama filaan ah sheegto inay Afhayeenkoodii rasmiga ahaa 2 sano iyo bar ay ku dhawaaqdo inuusan u ahayn afhayeen, waxaa kasii daran in qofka warkaas shaaciyay uu yahay afhayeen kale oo laf ahaantiisa aana la ogeyn cidda la magacawday iyo goorta la magacaabay?!!!.

    Tallaabada AMISOM qaaday ee Col. Cali Aadan Hamoud lagu sheega inuusan ahayn afhayeenkooda waa meel ka dhac loo geystay shaqsi ahaan afhayeenka, dowladii uu ka socday ee Jabuuti iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna mudan tahay in ciddii ku kacday lala xisaabto, taasoo ay marinkeeda leedahay dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo aanu ku boorineyno inaysan aqbalin meel ka dhaca intaas la eg ee qaar ka mida mas’uuliyiinta AMISOM kula kaceen Korneylkooda, una soo martaa sharciyada Midowga Afrika iyo xeerka AMISOM.

    Si katsoo ay noqoto arrimaha loo tirinayo Col. Cali Aadan oo u badan wararkii uu ka bixiyay weerarkii lagu qaaday xarunta AMISOM, waxaanan loo meel dayi karin qaabka loo qoray iyo sida loola dhaqmay Korneylka. Afhayeenku wuxuu sheegay wixii ka dhacay xerada Xalane iyo qasaaraha ka dhashay weerarkii ay Alshabaab ku soo qaadeen, Isbedelka ku jira warkii uu bixiyay Col. Ali Aden iyo qofka hadda sheegtay xilkaasi ee Aloi Yoa, waa tirada dhimashada AMISOM oo 5 iyo 3 ay ku kala sheegeen. Waxaa kaloo jira cabsi ah in AMISOM qaarkeed siia Uganda ay xiriir hore ula yeesheen Alshabaab ayna tababar siiyeen xubno ka mida Alshabab sida saxaafadoodu sheegtay, haddana dhici karto inay ku lug yeeshaan wixii dhacay.

    Haddii Col. Ali  Aden damiirkiisu siin waayay inuu dadkii dhintay yareeyo ama qariyo ama ku dhiiraday inuu sheego in  ciidamo Soomaaliyeed ay gacan ka siiyeen in la soo afjaro weerarkii ku dhowaad 24 saac qaatay ma ma mudneyn korneyl Cali in loo quuro sifaha ah “Inuusan ahayn afhayeenka AMISOM” ee xil ka qaadistu dariiqii ku haboonaa in loo maro ay ahayd, isaga dowladda Jabuuti ayaana laga sugayaa inay tallaabada ku haboon ka qaadaan arrintan.

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Ali Aden Hamuod AMISOM Spokesperson
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAALLO: CAQABADAHA HORYAALA RA’IISAL WASAARE CUMAR C/RASHIID
    Next Article Madaxtooyada Somaliya oo laga wado qorshe lagu soo xulayo xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo