AMISOM ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay maanta 27 December waxaa lagu sheegay in Col. Colonel Cali Aadan Xumad oo u dhashay dalka Jabuuti aanu ahayn afhayeenka AMISOM. War saxaafadeedka oo loo qoray qaab degdeg ah oo qalafsan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wararka laga soo xigto Col. Cali Aden ay yihiin kuwo shaqsi ah oo aanay xiriir la lahayn mowqifka AMISOM.
Haddaba haddii aan dib u jaleecno Afhayeenkii AMISOM iyo arrintiisa waxaa noo soo baxaysa arrimaha soo socda:
Col. Xaamud wuxuu xilka kala wareegay Col. Paddy Akunda oo Uganda u dhashay 7 July 2012, waxaana xaflad saxaafadda loogu yeeray xilkaas loogu shaaciyay inuu la wareegay Col. Ali Aden Homoud.
Xalfladii xil wareejinta Paddy Akunda oo ka dhacday xarunta AMISOM waxay ahayd mid rasmi ah oo qarsoodi lahayn waxayna u dhacday si sharci ah oo la shaaciyay. Hoose ka akhri xigashada webka AMISOM.

Tan iyo waqtigaas afhayeen Ali Hamoud wuxuu bedelay wejigii AMISOM isagoo Soomaalida u soo dhoweeyay howlgalka AMISOM, wuxuuna ahaa shaqsi afka Soomaaliga kula hadla saxaafadda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana lagu qiimeyn karaa inuu ahaa afhayeen xilkiisii gutay oo sameeyay in ka badan wixii laga fili karay qof kasta oo booskaas joogi lahayd, wuxuuna ahaa shaqsi aan daalin oo u furfuran saxaafadda Afka Soomaaliga ku hadasha.
Ma jirin xil ka qaadis ugu yaraan la shaaciyay oo hore loo maqlay ama loogu sameeyay Afhayeen Xaamud, warkii ugu danbeeyay ee si rasmi ah loogu qoray webka AMISOM kana soo baxay Col. Xaamud wuxuu ahaa 19 October 2014, markaas oo lagu lamaaniyay Eloi Yao, oo sida warsaxaafadeedkaas ku qoran labadoodaba lagu sheegay inay yihiin afhayeenada AMISOM.
Haddaba, waxaa la yaab leh in AMISOM u dhaqanto sidii koox jabhada ah oo si degdeg, haddana lama filaan ah sheegto inay Afhayeenkoodii rasmiga ahaa 2 sano iyo bar ay ku dhawaaqdo inuusan u ahayn afhayeen, waxaa kasii daran in qofka warkaas shaaciyay uu yahay afhayeen kale oo laf ahaantiisa aana la ogeyn cidda la magacawday iyo goorta la magacaabay?!!!.
Tallaabada AMISOM qaaday ee Col. Cali Aadan Hamoud lagu sheega inuusan ahayn afhayeenkooda waa meel ka dhac loo geystay shaqsi ahaan afhayeenka, dowladii uu ka socday ee Jabuuti iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna mudan tahay in ciddii ku kacday lala xisaabto, taasoo ay marinkeeda leedahay dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo aanu ku boorineyno inaysan aqbalin meel ka dhaca intaas la eg ee qaar ka mida mas’uuliyiinta AMISOM kula kaceen Korneylkooda, una soo martaa sharciyada Midowga Afrika iyo xeerka AMISOM.
Si katsoo ay noqoto arrimaha loo tirinayo Col. Cali Aadan oo u badan wararkii uu ka bixiyay weerarkii lagu qaaday xarunta AMISOM, waxaanan loo meel dayi karin qaabka loo qoray iyo sida loola dhaqmay Korneylka. Afhayeenku wuxuu sheegay wixii ka dhacay xerada Xalane iyo qasaaraha ka dhashay weerarkii ay Alshabaab ku soo qaadeen, Isbedelka ku jira warkii uu bixiyay Col. Ali Aden iyo qofka hadda sheegtay xilkaasi ee Aloi Yoa, waa tirada dhimashada AMISOM oo 5 iyo 3 ay ku kala sheegeen. Waxaa kaloo jira cabsi ah in AMISOM qaarkeed siia Uganda ay xiriir hore ula yeesheen Alshabaab ayna tababar siiyeen xubno ka mida Alshabab sida saxaafadoodu sheegtay, haddana dhici karto inay ku lug yeeshaan wixii dhacay.
Haddii Col. Ali Aden damiirkiisu siin waayay inuu dadkii dhintay yareeyo ama qariyo ama ku dhiiraday inuu sheego in ciidamo Soomaaliyeed ay gacan ka siiyeen in la soo afjaro weerarkii ku dhowaad 24 saac qaatay ma ma mudneyn korneyl Cali in loo quuro sifaha ah “Inuusan ahayn afhayeenka AMISOM” ee xil ka qaadistu dariiqii ku haboonaa in loo maro ay ahayd, isaga dowladda Jabuuti ayaana laga sugayaa inay tallaabada ku haboon ka qaadaan arrintan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]