Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»FAAQIDAAD: Musharixiinta Madaxweynaha ee Qootoqootada ah [Xaqiiqada & rajadooda]

    FAAQIDAAD: Musharixiinta Madaxweynaha ee Qootoqootada ah [Xaqiiqada & rajadooda]

    February 4, 2017Updated:February 4, 20174 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo ay soo dhowaatay Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya xaqiiqada musharixiin badan oo xilkan u taagan, isla markaana iyadoo aan la fileyn buuxiyay shuruudihii diiwaangelinta.

    Shuruudaha Doorashada ayaa waxaa ugu darnaa oo musharixiintan culeys ku ahaa lacagta oo markan lagu badiyay is-diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha oo midkiiba uu bixiyay 30,000 Doolar, laakiin qaar badan oo ka mida musharixiintan ayaa ku qamaaray lacagtooda iyagoo haddana og inaysan qaarkood xitaa heli doonin HAL COD.

    Musharixiinta hoos ku qoran waxay qaarkood lacagtaas u bixiyeen inay is muujiyaan, qaar kale waxay rabaan inay is bandhigaan oo mustaqbalka xil uun ka helaan dowladda cusub,  qaar ayaa sii xagjira ayaa ula jeeda ku xumeyn  musharax kale iyo inuu taariikhdiisa ku darsado.

    Hoos ka akhriso qeybta koowaad ee mushariixinta oo ka mida 24 musharax oo xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 2017 u taagan.


    C/RAXMAAN MAXAMED FAROOLE

    Madaxweynihii hore ee Puntland, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo musharax madaxweyne wuxuu ka mid yahay musharaxiinta isu diiwaangelisay tartanka Doorashada Soomaaliya 2017. Rajada C/raxmaan Faroole ayaa ah mid aad u yar oo wareega koowaad ku siman, waxaana musharaxnimadiisa lagu sheegay inay salka ku heyso bandhig iyo xil uu u raadinayo wiilkiisa.

    MAXAMUUD MAXAMED CULUSOW

    Waa guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya dowladii KMG ahayd, waxaa xilka ka qaaday madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuu u wareegay Mareykanka isagoo noqday guddoomiyaha siyaasadda beeshiisa, kadibna wuxuu ahaa aqoonyahan wax badan ka qora Soomaaliya oo dhaliila qaabka federaalka. Rajadiisa waa mid aad u liidata waxayna dad badan aaminsan yihiin kharashka iyo dadaalka ka baxay inuusan ka badneyn sidii uu xil wasiir ama safiir uga heli lahaa dowlada cusub.

    CADDOW CALI GEES

    Waa ganacsade siyaasadda u maalgashaday inuu danahiisa ganacsi ku ilaashado, wuxu lacag fara badan ku bixiyay kursiga xildhibaanimo, waxaana ujeeda ugu weyn ee Caddow (C/llaahi) Cali Gees ka leeyahay musharaxnimada ay tahay laba arrimood oo kala ah: Inuu ku xumeeyo Xasan Sheekh oo ay isku beel yihiin oo xiisad siyaasadeed dhex martay iyo inuu awoodiisa lacageed ku muujiyo oo siyaasadda saameyn ku yeesho. Xildhibaanada uu lacagta ku soo jiitay waxaa la yaab noqon doonta haddii uu wareega labaad u gudbo.

    ENG. C/LLAAHI CALI XASAN

    Wuxuu isu sharxay kursiga Baarlamaanka beeshiisa, kaasoo uu ku soo bixi waayay, waxaana ka guuleystay musharixii ay wadatay madaxtooyada ee Saadaq C/kariin. Musharax Injineer C/llaahi waxaa la sheegay in madax xanuunkii uu ka qaaday magaalada Cadaado iyo tartankii kursiga Baarlamaanka ay ku dhalisay inuu madaxweyne isu sharxo. Rajadiisa waa mid hooseysa oo wareegga koowaad ku eg; laakiin wuxuu kharashka u bixiyay inuu ag istaago musharaxa ay isku beesha yihiin ee Xasan Sheekh o dhaafsiiyay kursigii xildhibaannimo, waxaana farxad u ah inuu Xasan Sheekh la tartamo.

    BASHIIR RAAGE SHIIRAAR

    Waa ganacsade iyo hogaamiye kooxeed hore; ma ma ahayn musharax la filayay inuu xilkan isu soo taago. Muddo dheer ayuu siyaasadda ka maqnaa tan iyo soo if bixii maxkamadaha, laakiin waxaa dhiirigelin u noqotay in siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid la maalgashado. Rajadiisu waa mid aad u yar, waxaase ujeedkiisa ugu weyni noqon karaa inuu is muujiyo isuna bandhigo qofka laga yaabo inuu madaxweyne noqdo si uu mustaqbalka u soo galo dowladda cusub.

    C/LLAAHI CIILMOOGE XERSI

    Waa wasiir hore oo ka tirsanaa dowlada waqtigeedu dhammaaday, wuxuu isu sharxday madaxweynaha Jubbaland oo si aan la ogeyn uga haray markii danbe. C/llaahi Ciilmooge wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta xilalka wasiirnimo dhadhamiyay ee tan iyo markii uu waayay xilka wasiirnimo aan cag dhigin ee raadinayay si uu mar uun xil ugu soo laaban lahaa. Kuma jiro musharixiinta xitaa beel ahaan ay tahay inay xilkan qabtaan, waxaana musharaxnimadiisa loo arkaa qamaar siyaasadeed oo is muujin salka ku heysa.

    SAKARIYE MAXAMUUD CABDI

    Wuxuu ka mida ahaa dowladii Carte, wuxuu wasiir ka noqday dowladaasi, isagoo ah siyaasi muddooyinkan dambe ka dhex muuqday marka laga reebo dowladii ugu danbeysay oo aanu wax xil ah qaban. Wuxuu ka mdia ahaa musharixiintii isu sharxay xilka madaxweynaha sanadkii 2012. Rajadiisa kama duwana doorashaduii 2012 oo helay hal cod, laakiin ujeedka ugu weyn waxaa lagu sheegay inuu ka mid noqdo, jago-na ka helo dowladda cusub.

    LA SOCO QEYBTA 2-AAD…

    Doorashada Musharixiin madaxweyne Qooto Qooto Somali elections Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCumar C/rashiid oo safar degdeg caawa ku gaaray magaalada Nairobi
    Next Article Iiraan iyo Mareykanka oo is weydaarsaday cunaqabateyn iyo hanjabaadyo culus

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo