Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»FAAQIDAAD: Saddexdii Arrin ee uu Eersaday Guddoomiyihii G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed

    FAAQIDAAD: Saddexdii Arrin ee uu Eersaday Guddoomiyihii G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed

    January 23, 20184 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muddo saddex toddobaad gudahood ah ayaa wax waliba is bedeleen, kadibna natiijadii noqotay in xilka laga qaado mid ka mida mas’uuliyiintii ugu shacbiyadda iyo waxqabadka badnaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aan weli sanad jirsan.Taabit Cabdi Maxamed wuxuu ahaa raggii ugu dhowaa ee madaxweyne Farmaajo oo qeyb ka ahaa ololihii doorashada, waxaana loo arkayey inuu waqtiga ugu danbeeya la gaari doono dowladda xilligan, laakiin si aan la fileyn ayay wax waliba ku dhaceen, degdeg ayaana xilka looga qaaday, taasoo dad badan ay la yaabeen, isla markaana la is weydiinayo sida wax u dhaceen iyo xaqiiqada jirta.

    Marka la isku soo xooriyo xiisadii maamulka Gobolka Banaadir hareysay ee keentay xil   Taabit Cabdi Axmed waxaa lagu soo koobi karaa inay salka ku heysay afar arrimood oo kala ah:

    1- MAQAAMKA MUQDISHO

    Xuquuq la’aanta siyaasadeed iyo maqaamka Muqdisho ayaa ahayd arrin ka mida qodobadii uu eersaday guddoomiye Taabit, waxayna ku jirtay war-saxaafadeedkii uu ku aqbalay xil ka qaadistiisa. Waxayna arrintan la xiriirtaa in G/Banaadir uu helo maamul la mida maamullada kale ee dadka degan u tashadeen.

    Arrintan ka hadalkeeda iyo u doodisteeda waxay isu bedeshay halis dul saaran madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis oo muddooyinkii danbe Taabit u arkay nin inqilaab ka ridaya caasimadda oo dowladda Federaalka kala wareegaya gobolka kaliya ee ay ka taliso, waxayna sii xoogeystay shakiga arrintan markii uu qabanqaabiyey shir arrintan looga hadli lahaa oo saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo ay dhegta ugu sheegeen inuu halis ku yahay, taasoo keentay inuu soo farageliyo oo uu baajiyo.

    2- AMNIGA CAASIMADDA

    Xaaladda ammaan ee caasimadda Muqdisho waxay ahayd mid gacanta ugu jirta Hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka, waxaana muddo badan lagu fashilmay in laga hortago falalka amni darro iyo qaraxyada ka dhaca, taasoo loo aaneeyo isku dhex yaaca hay’adaha amni iyo ciidamada faraha badan ee ku sugan.

    Sida guddoomiyeyaashii ka horeeyay wuxuu Taabit dalbaday in lagu wareejiyo maamulkiisa arrimaha amniga, isagoo weliba balanqaaday in lagula xisaabtamo nabadgelyada, laakiin ma jirin wax jawaab ah oo madaxda sare uga yimid, waxaan la yaab lahayd in baaqyada guddoomiyaha uu ka jeediyo warbaahinta iyo shirarka caalamiga ah, halkii madaxda sare uu ka dhameysan lahaa.

    Amniga Muqdisho oo lagu wareejiyo maamul Banaadir leeyahay waxaa hore uga hor yimid dowladii Xasan Sheekh, waana shaqada kaliya ee xukuumadda fadhida Xamar ay qabato, laguna bixiyo dhaqaalaha ugu badan, wuxuuna qofkii damaaciya ka dhigan yahay mid curyaaminaya xukuumadda.

    Wasiiro, xildhibaanno iyo waxgarad badan ayaa kula taliyey Taabit inuu faraha kala baxo arrinta amniga Muqdisho, iyagoo kula dooday inuu ku fashilmayo , laakiin waxaa muuqatay inuu ku adkaa arrintan, si joogto ahna uu kormeer iyo dabagal ugu hayey ciidamada ammaanka sida Booliska iyo Nabadsugidda.

    3- SHACBIYAD IYO TAAGEERO DADWEYNE

    Hab-dhaqankiisa shaqo ee aan harsiga lahayn, waxqabadka muuqda iyo sida uu ugu dhowaa shacabka wuxuu muddo kooban ku soo baxay xiddig ka dhex muuqda madaxda dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna taasi sida muuqata dhibaato ku noqotay xiddig kale oo ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Loolan siyaasadeed hoose oo dhinacyo kala duwan leh ayaa labadan nin dhex maray. Inkastoo Taabit ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay xilka Ra’iisal wasaarenimo ee Kheyre loo dhiibay, haddana wuxuu Kheyre u arkay inuu halis ku yahay mustaqbalkiisa siyaasadeed, wuxuuna uga dhowaaday Madaxweynaha iyo Fahad Yaasiin, kana sameystay kalsooni intii uu Taabit ku howlahaa raadinta xuquuqda Muqdishaawiyiinta.

    Inuusan Kheyre raali ka ahayn dardartii Taabit lasoo baxay waxaa laga dareemay markii uu hor istaagay qoonde dhaqaale oo golaha wasiirada ay u ansixiyeen G/banaadir, taasoo ahayd in loo kordhiyo 10% dakhliga ilaha Muqdisho oo hadda ay ku lahayd 15%.

    GABAGABO

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu kalsooni aan la loodin karin ku qabaa shaqsiyaad doorashadiisa ka danbeeyay, waxaana muuqata inuu raali ku yahay ama ku qasban yahay in saaxiibadiisii hore mid mid loo siibo, iyadoo la ogaa in guddoomiyaha xisbigiisii TAYO iyo wasiiradii Maryan Qaasim ay ka baxday xukuumadda, iskana casishay xilka.

    Guddoomiye Taabit wuxuu fursad siiyey saaxiibadiis awoodda ku lahaa xafiiska Madaxweynaha markii ay ka tan badisay arrinta Muqdisho, wuxuuna si fudud oo aan la fileyn loogala baxay dowladii uu ka mid ahaa dadkii keenay, waxaase cad ineysan isaga ku ekaan doonin.

    G/Banaadir Kheyre Taabit Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKalkaaliye caafimaad oo Cirbad ku laayey Dad badan oo ay ku jirto hooyadiis
    Next Article Ciidamadii qabsaday Xarunta Gobolka Banaadir oo laga qaaday & Guddoomiyihii hore oo tegaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo