Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sharciyada»FAAQIDAAD: Soomaaliya oo halis kugu jirta in qeyb ka mida Baddeeda ku weyso heshiis uu ka danbeeyay Cumar C/rashiid (Akhri Document)

    FAAQIDAAD: Soomaaliya oo halis kugu jirta in qeyb ka mida Baddeeda ku weyso heshiis uu ka danbeeyay Cumar C/rashiid (Akhri Document)

    October 8, 2015Updated:October 8, 20156 Mins Read Sharciyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dacwadii dowladda Soomaaliya ee Muranka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa caqabad adag soo wajahday arrintan oo ay hore uga digeen Khabiirada dhinaca Badda ee Soomaaliya u doodaya, taasoo ay in Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya dhex maray sanadkii 2009 xilligaas oo uu xukuumadii KMG ahayd hogaaminayay Ra’iisal wasaaraha hadda xilka haya Cumar C/rashiid uu caqabad ku noqon karo dacwadda Soomaaliya.

    Xeer ilaaliyaha Kenya ayaa jawaab uu Maxkamadda Caddaaladda u diray ku caddeeyay in dacwad aanay ogoleyn Kenya maadaama uu jiro is-faham dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka gaareen arrinta Badda, si wadahadal ahna  ay arrintan ku xalisanayaan.

    HADDABA WAXAAN AKHRISTAYAASHA DIB U XUSUUSINEYNAA HESHIISKAASI AY KENYA XUJADA ADAG KA DHIGATAY WAXA UU YAHAY.

    Hoos ka akhri heshiiska oo uu Soomaaliya u saxiixay Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,  Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah ee xilligaasi, wuxuuna wasiirkani markii dambe ku dooday inuu saxiixa ku amray, una diray Cumar C/rashiid ra’iisal wasaarihii xilligaasi iyo hadda.

     

    warqa1

    warqa2

    warqa3

    warqa5

    DHAGEYSO WASIIRKII HESHIISKA SAXIIXAY SIDA UU U DIFAACAY (WAREYESI BBC)

    http://somalitalkradio.com/cod/sohdin009.mp3

     

     

    DHAGEYSO RA’IISAL WASAARE CUMAR C/RASHIID OO DIFAACAYA HESHIISKA

    http://somalitalkradio.com/cod/cumar_april1109.mp3

     

    TARJUMADDA HESHIISKA WAA TAN:

    QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH

    OO DHEXMARAY

    DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

    IYO

    DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA

    OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA’AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED

    Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la’aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda.

    Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan Rasmiga ah ee Is-fahamka.

    Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”). Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED“. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.”

    Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in  samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan  caqabad ku ahayn (ama ka hor imanayn) su’aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal eexeebta waxaa ka go’an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta  cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed

    Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal (Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda  xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed.

    Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Guddiga”),  marka  Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta  la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

    Calaamadinta xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed

    Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la saxiixo

    WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka.

    OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba isku si loo saxiixay.

    Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
    Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
    Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah

    Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya
    Mudane. Moses Wetang’ula , EGH, MP
    Wasiirka Arrimaha Didabadda

    Xigasho: Somalitalk

    C/raxman C/shakur Cumar C/rashiid Kenya iyo Somalia Muranka Badda Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGaari Miino loogu xiray sarkaal ka tirsan Nabadsugidda oo Muqdisho lagu qabtay
    Next Article Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay Howl-wadeenada Guddiga Madasha Qaranka (Liiska magacyada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo