Dagaal qaraar oo gacan-ka-hadal ayaa hotel ku yaala magaalada Nairobi ku dhex maray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Wasiirka Boostada Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal.
Muuqaal laga duubay camerada hotelka ee CCTV ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana dagaalka bilaabay Faarax Macalin, iyadoo aan la ogeyn waxa labada nin oo isku heyb ah ay isku qabteen ee keenay inay gacmaha isula tagaan.
Video-ga oo soconaya muddo hal daqiiqo ah, wuxuu muujinayaa in Faarax Macalin aanu waxba la harin oo feer laba gacmood ah ku halgaaday Mursal oo isna dhinaciisa dagaalka ka dhigay mid isweydaarsi.
Dad badan ayaa soo dhex galay oo kala qabtay labada nin markii danbe, waxaana Wasiirka laga kaxeeyay hotelka iyadoo ilaalo ay la socoto.
Ciidamada booliska ee diblomaasiyiinta qaabilsan ayaa kiiska baaraya sida uu sheegay taliyaha booliska magaalada Nairobi Japhet Koome oo ay soo xigatay Nairobi News.
Faarax Macalin ayaa sheegay inusan ka hadli karin shilka dhacay, arrintana ay ku dhex jiraan odayaasha beesha. “Wax kastoo dhacay, hadda kama hadli karo bulshada ayaa ku dhex jirta, mana jirto cid dhaawac soo gaaray” ayuu yiri Faarax Macalin.
Faarax Macalin ayaa lagu yaqaan xamaasad iyo hadallo kulul, isagoo markan la soo baxay gacan-ka-hadal.
Wadani.com