Shirkadda Facebook ayaa ogolatay inay bixiso ganaac lacageed, kadib markii lagu helay inay kala sooc ku sameysay shaqaale ay qaadan lahayd, iyadoo u kala saartay sharciyada ay heystaan.
Shirkadda Facebook Inc (FB.O) waxay bixinaysaa lacag dhan $14.25 milyan Dollar si ay u xaliso cabasbhooyin dacwadoo madani ah ee dowladda Mareykanka oo ku saabsan in shirkadda warbaahinta bulshada ay takoor ku sameysay shaqaalaha Mareykanka ayna ku xad-gudubtay xeerarka shaqaalaysiinta federaalka.
Waaxda Caddaaladda iyo Waaxda Shaqada ayaa shaaciyay, ganaaxa lacageed ee Facebook lagu qaaday. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa bishii Diseembar 2020 gudbisay dacwad ay ku eedaynayso Facebook inay si gaara u xulatay shaqaalaysiinta shaqaalaha ku-meelgaarka ah oo ay ku jiraan oo ajnabiga.
Arrintan ayaa ka dhigan ciqaabtii ugu weyneyd ee madani ah oo Waaxda Xuquuqda Madaniga ee Mareykanka ay ku guuleysato intii ay jirtay oo dhan 35 sano, waxaana dacwadda loo cuskaday Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka hortagga takoorka oo mamnuucaya takoorka shaqaalaha, iyadoo loo eegayo heerkooda sharci ee socdaalka.
Facebook ayaa bixin doonta ciqaabta dacwadda madaniga ah oo dhan $4.75 milyan iyo $9.5 milyan oo la siinayo dhibbanayaasha nidamka shaqaalaysiinta ee takoorka ah.
Jawaabta Shirkadda Facebook ayaa lagu yiri: “Inkastoo aan aad u rumaysanahay inaan ka soo baxnay heerarka dawladda federaalka ee shaqaalaha ee joogtada ah (PERM), balse waxaan gaarnay heshiisyo lagu soo afjarayo dacwadda socota oo lagu sii ambaqaado barnaamijkeenna PERM”
Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Facebook uu wajahayo eedeyn iyo dib-u-eegis ku socota sida uu u shaqeeyo ee danaha ganacsiga kaliya uu eegto.
