Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Osman (Jawaari) ayaa dhex fadhiya fadeexadii ugu weyneyd tan iyo markii uu qabtay xilka Guddoonka Baarlamaanka, waxayna fadeexadan ku saabsan tahay go’aano iska horjeeda oo uu ka qaatay mooshika laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ee muranka ka taagan yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaatay go’aan ah in mooshinkaasi ay ka wadahadlaan labada garab ee Baarlamaanka u qeybsamay, wuxuu kaloo difaacay qodob ah inaan ciidan hubeysan loo adeegsan karin xildhibaanada iyo shaqaalaha Baarlamaanka.
Qoraalka Guddoomiyaha Baarlamaank oo jawaab u ahaa eedeynta ay u jeediyeen Garabka xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaa caddeeyay in Xeerhoosaadka Baarlamaanku aanu baneyneynin in xildhibaanada iyo Shaqaalaha loo adeegsado ciidanka Amniga iyadoo aysan jirin xaalad amni darro.
Guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa sidoo kale go’aan ku gaaray inay meel iska dhigaan mooshinka kala qeybiyay baarlamaanka oo wadahal ay ka dhex furaan labada dhinac ee Baarlamaanka.
Go’aanadan waxaa muuqata inuu jebiyay Prof. Jawaari oo mar qura ku dhawaaqay inuu mooshinka ku soo celinayo Baarlamaanka Isniinta, cidii ka hor timaadana uu tallaabo ka qaadayo’ tani oo ka danbeysay kulan iyo heshiis qarsoodi ah oo dhex maray isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa la is weydiinayaa waxa ku qabsay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu soo celiyo Mooshin lagu kala qeybsan yahay oo aan laga wadahadlin.
DOKUMENTIGAN KA AKHRI …
AMA KA DEGSO LINK-YADA HOOSE
[download id=”907″]
[download id=”909″]
Goobjooge.com
Muqdisho