Aasaasha iyo maamulaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ee Faecbook ay khaladaad samaysay taasina ay horseeday in shirkad samaysa la-talin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta malaayiin qof oo adeegsada Facebook.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii filim xog ah oo uu baahiyey telefishanka Channel 4 ee dalka Ingiriiska uu soo bandhigay in Shirkadda Cambridge Analytica ee sumcadeedu xun tahay si aan munaasab ahayn u adeegsatay xogta macaamiishaas iyagoo metalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay “in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii”. Wareysi uu siiyay shirkadda CNN ayuu ku sheegay “inuu ka xun yahay” wuxuuna ballanqaaday in uu tallaabo ka qaadi dooni “mareegaha ku xiran Facebook (App) ee aan daacadda ahayn”.
Wuxuu intaas ku daray in uu “ku faraxsan yahay” in uu Congress-ka ka horsheego waxa uu og yahay “haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah”. Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday in uuu sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha Facebook.
Masuuliyad ayaa naga saran in aan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan sidaa samayn karinna uma qalanno in aan adeeg idin siino,” ayuu yiri Zuckerberg.
Xogta 50 Milyan qof oo adeegsada Facebook ayaa loo adeegsaday in loogu ololeeyo doorashadii madaxweyne Trump ee Mareykanka, waxayna tani keentay olole weyn oo ka socda baraha bulshada siiba twitter-ka oo lagu dalbanayo in la qaadaco Facebook.
Suuqa saamiyadda Mareykanka ayaa shirkadda Facebook waxay lumisay dhaqaale dhan 9 Bilyan oo doolar muddo saacado kooban ah markii ay fadeexadan soo baxday, waxaana madaxa Facebook looga yeeray kongareeska Mareykanka iyo Aqalka Wakiilada UK.