Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta odoyaal gaaray ilaa 40 xubnood oo ka socda Gobolka Hiiraan u soo diray magaalada Jowhar, iyadoo la sheegay inay ka qeyb galayaan wejiga labaad ee shirka mudada hakadka ku jiray.
Odayaashan oo laba diyaaradood ay maanta kasoo qaadeen magaalada Beledweyne waxay ka kooban yihiin inta badan beelaha Gobolka Hiiraan, waxaana in loo duuliyo magaalada Jowhar ka shaqeeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isagoo mid waliba siiyay lacag dhan 1000$ (Kun doolar) si ay u tagaan Jowhar.
Arrintan oo dad badan ka yaabisay ayaa keentay inay diyaaradaha raacan xubno hore u diidanaa shirka hakaday ee Jowhar, waxayna odayaasha Gobolka Hiiraan oo qaarkood aan la xiriirnay ay sheegeen inay arrintani tahay fadeexad weyn oo guddoomiye Dabageed ku dhaqaaqay.
Lama oga sida shirka Jowhar dib ugu furmi doono iyo in maamulada labada gobol oo la sheegay in lagu wareejiyay maamulka shirka Jowhar ay laaluush dib ugu furi karaan shirka.
Wadani.com